Bayaan kasoo baxay Lajnada qaabilsan la socodka shirkadaha Isgaarsiinta ee Imaarada islaamiga ee Afghanistan ayaa lagu sheegay in Imaaradu ay go’aan ku qaadatay in gebi ahaanba albaabada la isugu dhufto xarumaha mid kamid ah shirkadaha isgaariinta ee wadanka kadib markii ay qeyb ka noqotay dagaalka lagu hayo Muslimiinta iyo Mujaahidiinta.
Imaarada Islaamiga ayaa shaaca ka qaadday in ay go’aansatay in albaabada la isugu dhufto shirkadda lagu magacaabo Salaam kadib markii ay ka dhaga adeygtay in ay u hogaansanto awaamirta Imaarada Islaamiga Afghanistan.
Shirkaddan lagu magacaabo Salaam Telecom ayaa lagu eedayay in ay ku kacday tallaabooyin lid ku ah Jihaadka ka socda Afghanistan islamarkaana ay qeyb ka noqotay dagaalka Mareykanku Afghanistan ee ka dhanka ah muslimiinta.
“Maadama shirkadda isgaarsiinta Salaam ay ka dhegaha ka furaysatay awaamiirta guddiga qaabilsan la socodka shirkadaha ee Imaarada, marar badanna loo digay, waxaan iclaaminaynaa in taawarrada iyo anteenooyinka shirkadan iyo xarumaheeda ay yihiin bartilmaameedyo millteri oo ay beegsanayaan Mujaahidiinta” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Imaarada Islaamiga Afghanistan.
Taliban ayaa sheegtay in shirkaddan ay ku kacday howllo basaasnimo oo ka dhanka ah Imaarada Islaamiga Afghanistan islamarkaana ay kaalin mugleh ka qaadatay dagaalka uu Mareykanku ku hayo Mujaahidiinta sidaas darteedna loola mucaamili doono si la mid ah sida loola mucaamilo shirkadaha sirdoon ee cadowga.
“Waxaa gebi ahaanba la jaray internetka ay shirkadaas bixiso waxaana shaqaalaha qalabka iyo gawaarida shirkadaas ay Mujaahidiinta ula dhaqmi doonaan sida ay ula dhaqmaan dadka xiriirka la leh sirdoonnada cadowga” ayaa sidoo kale lagu yiri warka kasoo baxay Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan.
Bayaankan ka soo baxay guddiga dabagalka iyo lasocodka arrimaha shirkadaha isgaarsiinta ayaa sidoo kale lagu faahfaahiyay sababaha keenay inay Mujaahidiintu albaabada isugu dhuftaan shirkadan, islamarkaana ay bartilmaameedsadaan xarumahooda iyo shaqaalahooda waxaana lagu yiri:
“Sababaha keenay in la xiro shirkadan, Mujaahidiintuna ay ku dhawaaqaan in ay beegsanayaan waxaa kamid ah,in Shirkaddu ay wada shaqeyn dhow la leedahay sirdoonnada Maraykanka iyo kan xukuumadda Kaabul iyadoo dhageysata codadka dadka isticmaalaya sidoo kalena xogta u gudbiso hay’adaha sirdoonka ee cadowga”.
Qodobka labaad ee ay Imaaradu u cuskatay go’aankan ayaa ah “In Shirkaddan ay ka dhaga adeygtay inay u hogaansanto amarrada ay Mujaahidiintu soo saarayaan ee ah in la damiyo isgaarsiinta xilliyada laga warhelo halis kusoo food leh dadka shacbka ah iyo Mujaahidiinta”
Imaarada Islaamiga ayaa sidoo kale dadweynaha uga digtay qaadashada SIM Cardka shirkadaasi maadama ay noqotay shirkad u adeegta cadowga Allaah Muslimiintuna uu ka soo gaari karo dhibaato ku aadan amnigooda.
Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay shirkadan iyo xitaa dowlada dabadhilifka ee Kaabuu ka jirta oo ku aaddan go’aankan kasoo yeeray Mujaahidiinta, waxaana khabarkan maanta si aad ah u hadal hayey warbaahinada gudaha ee Afghanistan iyagoo tilmaamayay in go’aankan uu saameyn xoogan ku yeelan doono dhaq dhaqaaqa shirkadan oo ah mid aad ugu baahsan guud ahaan gobolada dalka Afghanistan.
Dalka Afghanistan waxaa ka howlgala shirkado aad u fara badan oo isgaarsiin ah kuwaas oo adeegyadooda uu ku faafsan yahay guud ahaan gobolada dalka Afghanistan islamarkaana aanan ku lug lahayn dagaalka Afghanistan, sidoo kalena ilaaliya shuruudaha iyo go’aanada Imaarada Islaamiga ay kusoo rogtay shirkadahaasi laakiin shirkadan hadda la mamnuucay ayaa lagu eedeeyaa inay gacan saar la leedahay cadowga islamarkaana u adeegto danaha shisheeyaha.
Cadowga saliibiga ah iyo dabadhilifyadiisa ayaa badanaa isku daya in ay galaangal ku yeeshaan shirkadaha isgaarsiinta si ay xarumaha shirkadahaas u noqdaan goobo uu ka helo xogta iyo macluumaatka Mujaahidiinta ee ay jawaasiistoodu ku guuldarysten inay soo helaan.