War Cusub oo ka soo baxay Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weli ciidankoodu ka dagaalamayaan gudaha xerada Balidogle, islamarkaana ay qabsadeen aagag dhowr ah oo katirsan saldhigga.
Sarkaal ka tirsan Xarakada oo la hadlay Idaacadda Andalus ayaa sheegay in khasaaraha hordhaca ah ee la hayo uu yahay in howlgalka lagu dilay in ka badan 100 askari, sidoo kalena lagu burburiyey ugu yaraan shan diyaaradood oo isugu jira Drones iyo Helicopters.
Sarkaalkan ayaa sheegay in sidoo kale uu burbur xoogan soo gaaray qeybo ka mid ah xerada, khasaaraha ugu badana ay ka dhasheen qaraxyada iyo dagaalka tooska ah ee ka socda gudaha xerada.
Dagaalyahanada Inqimaasiyiinta ah ee Al-Shabaab ayaa weli ka dagaalamaya gudaha saldhiga sida ay sheegeen saraakiisha Mujaahidiinta kuwaas oo tibaaxay n in weli dagaal xoogan uu ka socdo xerada, halkaas oo ay ku dagaalamayaan ciidamada Mujaahidiinta iyo kuwa Mareykanka.