Roobab mahiigaan ah oo kor u qaaday qulqulka daaddadka ayaa sababay dhul-go’ baaxad leh oo maalmihii u dambeeyey ku habsaday qaybo ka mid ah dalalka Thailand, Malaysia, Indonesia iyo Sri Lanka, iyadoo ay ku dhinteen in ka badan 1,100 qof, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalalkaasi.
Tirada dhimashada ee ay sababeen daaddadka xooggan ee kusoo rogmaday dalka Indonesia ayaa kor u dhaaftay 604 qof, sida wasiirka Arrimaha guduhu uu sheegay, iyadoo hay’adda maareynta musiibooyinkuna shaacisay in 508 qof oo kalena ay weli maqan yihiin.
Ugu yaraan 340 qof ayaa la shaaciyey inay ku dhinteen dalka Sri Lanka, sida ay sheegtay ay shalay sheegtay dowladdu. Waxaana weli maqan dad kale oo badan. Biyaha fatahaadda ee caasimadda Colombo ayaa xalay gaadhay heerkii ugu sarreeyay, waxaana jirta rajo ah in biyuhu bilaabi doonaan inay hoos u dhacaan maadaama roobku istaagay.
Sri Lanka iyo Indonesia labaduba waxay u direen ciidamo si ay u caawiyaan dadkii uu saameeyay daadkan musiibada ah, iyadoo kooxaha gurmadka ay meelaha waxyeellada daran gaartay ay si xawli leh uga raadinayaan dadka laga yaabo in weli ay ay nool yihiin.
Daadadkan xooggan ee ka dhashay roobabkan mahiigaanka ah, ayaa waxay sidoo kale galaafteen nolosho ugu yaraan 176 qof oo ku noolaa koonfurta Thailand, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu, taas oo ka mid ah fatahaadihii ugu dhimashada badnaa dalka muddo toban sanno ah.
Dhanka xadka Malaysia, waxa isna laga soo sheegay in ugu yaraan laba qof ay ku dhinteen gobolka woqooyiga ee Perlis. Iyadoo dhinaca kalena burbur xooggan iyo barakaca malaayiin qof ay ka dhasheen guud ahaan roobabkan ka da’ay dalalkan oo ku yaalla qaaradda Aasiya.