Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • In Ka Badan 20 Xubnood Oo DF Laga Dilay Doorashadii Farmaajo Kadib. (Warbixin)
  • Allposts
  • Warar

In Ka Badan 20 Xubnood Oo DF Laga Dilay Doorashadii Farmaajo Kadib. (Warbixin)

March 10, 2017

Farmaajo Iyo DowladiisaTan iyo markii 08-02-2017 xilka madaxweynaha DF loo doortay Maxamad Cabdullaahi Farmaajo, waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay in ka badan labaatan weerar oo lagu dilay mas’uuliyiin, saraakiil iyo askar ka tirsan DF.

February13, 2017  oo ku aadan afar maalmood uun kadib doorashadiisii ayaa waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay oday dhaqameed wax kasoo xulay xildhibaanada Baarlamaanka DF ee laga keenay magaalada Cadaado.

Oday dhaqameedkan oo lagu magacaabi jiray Bashiir Xagaley ayaa waxaa lagu toogtay suuqa Bakaaraha, gaar ahaan qeybta Khudaarta, iyadoo dilkiisa loo adeegsaday xabadaha ka dhaca bastooladda.

February15, 2017 waxaa sidoo kale magaalada Muqdisho lagu dilay oday wax kasoo xulay xildhibaanada DF oo lagu magacaabi jiray Muuse Ilka-weyne.

Dilka Muuse ayaa waxa uu ka dhacay Suuqa weyn ee degmada Wada-jir, sida ay xaqiijiyeen dad goob jog ahaa oo la hadlay war-baahinta maxalliga ah.

February18, 2017 waxaa degmada Hodan ee magaalada Muqdisho lagu dilay Afhayeenkii hore ee Maamulkii Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar Hagafeey, kaasoo mudooyinkii dambe wada shaqeyn la lahaa DF.

Hagafey ayaa waxaa lagu rasaaseeyay gaari uu saarnaa, waxaana dilkiisa sheegatay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo iyadu dagaal kula jirta ciidamada shisheeye iyo maamulada ku daaban.

February18, 2017 waxaa Isgoyska Ceel-gaabta lagu weeraray taliye ku xigeenkii Bs-ta ninka lagu magacaabo Xassan Dheere.

Rasaas lagu shannaqay gaari ay saarnaayeen isaga iyo ilaaladiisa ayaa waxaa kasoo gaaray dhaawac culus, waxaana weerarkaasi mas’uuliyaddiisa sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, halka DF ay sheegtay iney cambaareeneyso.

February 21, 2017 waxaa degmada Xamar Jajab lagu toogtay oday dhaqameed lagu magacaabi jiray Cabdi Cumar Ibraahiim, waxaana la isla dhex marayay in dilkiisa uu ugu wacan yahay isagoo wax kasoo xulay baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed.

February 22, 2017 waxaa madaafiic lagu weeraray xaruntii hore ee ciidankii circa Soomaaliya, halkaasoo ay ka dhacaysay xaflad lagu caleema saarayay Farmaajo.

February 24, 2017 waxaa si fool-kafool ah loo toogtay askari ka tirsanaa ciidamada Bs-ta DF oo lagu magacaabi jiray Maxamad Cumar, kadib markii ay degmada Xamar jajab ku beegsadeen rag hubeysan.

February 25, 2017 waxaa magaalada Muqdisho lagu toogtay oday dhaqameed lagu magacaabi jiray Cusmaan Kheyrre oo kamid ahaa dadkii xildhibaanada kusoo doortay Gal-mudug.

Rag hubeysan ayaa kheyre ku beegsaday isgoyska Cali kamiin degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdihso, waxaana marka oday la dilo caasimadda caan ka noqotay iney dadku is weydiiyaan su’aalo ay kamid yihiin ma xildhibaanada ayuu wax kasoo xulay?

February 26, 2017 waxaa sidoo kale magaalada Muqdisho ka dhacay weerar si aad ah loo soo qorsheeyay oo lagu dilay sarkaal kamid ahaa shaqaalaha xafiiska Jawaari, horayna xildhibaan usoo noqday.

Ninkan oo lagu magacaabi jiray Cabdulqaadir Mursal ayaa lagu dilay xaafadda Ceel-dheere ee degmada Dharkeenley, kadib markii rasaas ooda looga qaaday gaari uu watay, waxaana dilkiisa sheegatay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

February 27, 2017 waxaa degmada Boondheere lagu weeraray mas’uul ka tirsanaa Bankiga dhexe ee DF oo lagu magacaabo Shire Dhagey, waxaana dhacday inuu isagu ka badbaaday rasaas lagu furay gaarigiisa, balse waxaa ku geeriyooday darawalkiisii, sidoo kale isla maalintaas waxaa askari ka tirsanaa DF lagu dilay xaafadda Suuq-bacaad ee degmada Yaaqshiid.

February 27, 2017 waxa kale oo dhacay weerar ay ku dhinteen tiro kamid ah askarta DF, kadib markii nawaaxiga Ex. Koontarool Afgooye loo dhigay gaari qarax laga buuxiyay.

Askarta iyo saraakiishooda oo mooday in gaariga looga tagay, ayaa si ay u boola xoofteeyaan saxaafadda isugu yeeray, laakin waxaa halkaasi ka raacay dhibaato ku keentay dhimashada in ka badan 4, dhaawac iyo waji gabax, kadib markii lagu qarxiyay gaariga xilli ay ku xoonsanaayeen.

February 28, 2017 waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay toogasho loo geystay askari ka tirsanaa ciidamada Bs-ta DF, kaasoo ay dhib weyn ku qabeen shacabka degmada Dharkeenley.

Askarigan oo lagu magacaabi jiray Mowliid Maxamad ayaa lagu dilay xaafadda Macallim Nuur ee degmadaasi, iyadoo daqiiqado kadib dilkiisa ay goobta soo gaareen saaxiibadiis Nabad sugidda.

February 28, 2017 waxay ahayd maalin ay dhacdooyinku badnaayeen, waxana askari kale oo ka tirsanaa ciidamada DF lagu dhaawacay isla xaafadda macallim Nuur ee degmada Dharkeenley. Askarigan ayaa lagu magacaabaa Mukhtaar Maxamuud Geelle.

February 28, 2017 waxa kale oo dhacay weerar lagu dilay mas’uul ka tirsanaa maamulka gobolka Banaadir oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Af-leershe.

Af-leeshe ayaa waxaa dilkiisa loo adeegsaday qarax, kaasoo lala beegsaday xilli uu gaarigiisa saarnaa islamarkaana uu marayay degmada Xamar jajab ee magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa sheegatay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

March 06, 2017 waxaa howl gal abaabulan lagu dilay sarkaal ka tirsanaa DF kadib markii gurigiisa loogu galay, waxaana sarkaalkan lagu magacaabi jira Nuur Cali Isxaaq.

March 08, 2017 waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay gudoomiye laameed ka tirsanaa degmada Yaaqshiid, kadib markii si bareer ah loogu weeraray rasaas.

Ninkan oo lagu magacaabi jiray Xasan Maxamuud Taakow (Macalin Shabeeloow) islamarkaana ahaa gudoomiyaha Laanta Sahan ee waaxda Heegan ayaa wuxuu dilkiisu ka dhacay isgoyska Sanca ee degmada Yaaqshiid.

March 08, 2017 weerar kale oo toogasho ah ayaa ka dhacay degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho. Rag hubeysan ayaa beegsaday C/laahi Kabaweyne oo kamid ahaa ergadii xildhibaanada ku soo dooratay Galmudug.

Haddaba weerarada ka dhacay Muqdisho oo lagu dilay in ka badan 20 qof oo DF ka tirsanaa, ayaa waxaa wehliya weeraro kale oo ka dhacay magaalooyinka Boosaaso, Gaalkacyo, Baydhabo iyo meelo kale.

March 02, 2017 waxaa magaalada Baydhabo lagu dilay haweeney ka tirsanayd maamulka Shariif Xassan ee Koofur galbeed, kadib markii lagu weeraray xaafadda lagu magacaabo Mursal oo dhaqdhaqaaqeedu ku badnaa, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka ee magaalada Baydhabo.

March 04, 2017 waxaa dharaar cad weerar bambaano lagu qaaday maxkamadda darajada kowaad ee magaalada Boosaaso, halkaasoo khasaare aan la cayimin uu kasoo gaaray xubno ka tirsan maamulka Gaas ee Puntland.

March 08, 2017 waxaa dhaawac culus loo geystay xildhibaan ka tirsan maamulka Puntland oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Faarax Bootaan, kadib markii isagoo gaarigiisa wata lala beegsaday qarax xooggan.

Weerarka lagu dhaawacay xildhibaanka ayaa ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaana dhaawiciisa oo halis ah loo duulay dalka dibaddiisa March 09, 2017. Xildhibaankan ayaa qeyb ka ahaa gudiga ammaanka isagoo ku lug lahaa dagaaladii sannadkii lasoo dhaafay ka dhacay Suuj iyo Garacad.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarka lagu dhaawacay xildhibaankan, iyadoo maamulka Puntland uu aad uga murugooday dhacdadan.

March 08, 2017 weerar kale oo qarax loo adeegsaday ayaa ka dhacay degmada Luuq ee gobolka Gedo, kaasoo lala beegsaday gudoomiyaha degmadaasi iyo ilaaladiisa. Qaraxan ayaa waxaa ku dhintay labo kamid ah ilaalada gudoomiyaha, halka isaguna uu ku dhaawacmay.

Haddaba Intaa waxa dheer weerarada lagu qaado xeryaha ciidamada shisheeye, kuwa dowladda iyo weerarada dhabba gallada ah oo sida joogta u dhaca, kuwaasoo iyagu aad u fara badan.

Isku soo wada duuboo dhacdooyinkan silsiladda ah ee khasaaraha dhaliyay ayaa dhacay wax ka yar 40 maalmood gudahood ama laga soo billaabo tan iyo markii Farmaajo la doortay oo laga joogo muddo dhowr iyo sodon maalmood ah, tanina waxay muujineysaa fashilka amni ee durbadiiba ku billowday dowladdiisa.

Idaacadda Islaamiga Ah Ee Al-furqaan.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Bashiir Muxamed Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho.
Next: Dhageyso Idaacada Andalus Oo Bartamaha Soomaaliya Ka Hirgalisay Xarun Cusub.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -27-07-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -27-07-1447 Hijri.

January 16, 2026
Mareykanka Oo Labaxay Safiirkiisii Soomaaliya Soona Magacaabay Kusime.
  • Allposts
  • Warar

Mareykanka Oo Labaxay Safiirkiisii Soomaaliya Soona Magacaabay Kusime.

January 16, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 26-07-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 26-07-1447-Hijri.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026

Sawirro

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.

January 14, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.

January 13, 2026
Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 12, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 10, 2026
Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.

January 9, 2026
Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.

January 5, 2026
Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.

December 31, 2025
Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.

December 20, 2025
Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.

November 30, 2025
Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.

November 16, 2025
Warbixin+Sawirro: Mujaahidiinta Nusratul Islaam Oo Cagta Mariyay Saldhig Millatari.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Warbixin+Sawirro: Mujaahidiinta Nusratul Islaam Oo Cagta Mariyay Saldhig Millatari.

November 12, 2025
Mujaahidiinta Jaziiratul Carab Oo Howlgal Istishhaadi Iyo Inqimasi Ku Qaaday Talis Milatari+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Mujaahidiinta Jaziiratul Carab Oo Howlgal Istishhaadi Iyo Inqimasi Ku Qaaday Talis Milatari+Sawirro.

October 24, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarkii Degmada Ceeldheer.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarkii Degmada Ceeldheer.

September 12, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada