Dowladda saliibiyadda Ingiriiska ayaa ku hawlan qorshe dhagaraysan oo gogol-xaar iyo fudaydin u ah hirgelinta heshiiskii xaaraanta ahaa ee maamulka gaalla-raaca Somaliland uu qaybo ka mida badda Soomaaliyeed ugu saxiixay dowladda Xabashida Itoobiya.
Danjiraha Dowladda Ingiriiska u fadhiya dalka Itoobiya oo waraysi siiyey warbaahinta ka hawl-gasha Addis Ababa ayaa la hor-dhigay waydiin ahayd sidee ayay Itoobiya ku xaqiijin kartaa marin-badeed iyada oo loo marayo qaab-dhismeedka iskaashiga gobolka?
Safiirka Ingiriiska ayaa yiri“Waan fahmi karaa waddanka Itoobiya oo koraya dhaqaale ahaan iyo dad ahaanba in uu u baahdo dekedo ganacsi oo kala duwan. Dowladda Ingiriisku waxay taageeraysaa shaqada ka socota dekedda Berbera, sidoo kalena waxay taageeraysaa heshiiska xamuulka si alaabadu si fudud ugu kala gudbaan dekedda iyo Itoobiya,”
Waxa kale oo safiirku kula taliyey Itoobiya, in qorshahan ay marka hore ku raadiso qaab hoosaasin ah, kana furto wada-hadal nabadeed iyo gorgortan si loo gaaro ayuu yiri yoolka oo uu ka wado sidii Itoobiya ay si fudud gacanta ugu dhigi lahayd qaybo ka mida Badda Soomaaliya.
Wuxuu sheegay inuu ka soo jeedo waddan leh dekedo badan, isla markaana uu fahmi karo baahida ay leedahay bad la’aantu. Isagoo dhanka kalena ugu baaqay dowladda Itoobiya iyo dowladaha kale ee gobolka in xiisadda la dejiyo, isla markaana si nabad ah Addis Ababa u raadsato hadafkeeda.
Hadalka Safiirka Ingiriiska ayaa imanaya xilli dhawaan madaxa ashahaado-la-dirirka Somaliland murtad Cirro uu sheegay in goor aan fogayn ay soo gabagabeyn doonaan heshiis ku saabsan xamuulka oo dhex-mari doona maamullada Hargeysa iyo Addis Ababa.
Tan iyo wixii ka dambeeyey markii ummadda muslimiinta ah ee Soomaaliyeed ay sida adag uga dhiidhiyeen heshiiskii xaaraanta ahaa ee murtad Muuse Biixi iyo Gaal Abiy Axmed, waxaa soo baxay xogo tilmaamaya in Kuffaarta iyo Murtadiintu ay isla qaateen in si hoose loo dhameeyo fulinta heshiiskaasi xaaraanta ah, iyadoo bulshadana lagu seexinayo xiriir ganacsi iyo wax la mida.