Sida uu sheegay safiirka dowladda saliibiyadda Ingiriiska ee Soomaaliya gaalka lagu magacaabo Charles Nicholas King, ayaa shaaca ka qaaday in Ingiriiska uu ka guuray saldhig ciidan oo ay ku lahaayeen gudaha magaalada Baydhabo.
Gaalkaan ayaa sheegay in saldhiggaan uu sidoo kale ahaa xero lagu tababaro maleeshiyaadka Riddada ee ku sugan magaaladaasi, iyadoona saldhiggaan magaalada Baydhabo laga furay sannadkii 2019-kii
Saldhiggan uu Ingiriiska ku lahaa Baydhabo ayaa waxaa ku sugnaa ciidamo ka socday dowladda Ingiriiska iyo saraakiil Tababarayaal ah kuwaasi oo muddaasi halkaasi ku sugnaa.
Xeradaan ay dowladda Ingiriiska ku lahayd Baydhabo ayaa waxaa lagu tababari jiray maleeshiyaadka Riddada ee Koonfur-galbeed, taasi oo horay dowladda Ingiriiska usoo bandhigtay.
Sidoo kale dowladda Ingiriiska ayaa si gaar ah u taageeri jirtay maamulka Riddada ee Koonfur galbeed, iyadoona siin jirtay hub iyo qalab military.
Lama oga sababaha rasmiga ah ee uu Ingiriisku uga guuray saldhiggii uu ku lahaa magaalada Baydhaba, balse arrintan waxay imaanaysaa xilli howlgalada kala duwan ee mujaahidiinta fuliyaan ay ku sii xoogeysteen gudaha iyo duleedka magaalada Baydhaba, taasi oo loo badinayo inay dowladda saliibiyadda Ingiriiska ku qasabtay inay gabi ahaanba isaga guurto saldhiggii ciidan ee ay ku lahaayeen magaalada Baydhabo, kadib cabsi amni oo soo wajahay ciidamada iyo saraakiish Ingiriiska ee ku sugnaa saldhiggani.