Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Inka Badan 100 Askar Itoobiyaan Ah Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dagaallo Ka Dhacay Amhara.
  • Allposts
  • Warar

Inka Badan 100 Askar Itoobiyaan Ah Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dagaallo Ka Dhacay Amhara.

October 18, 2025

Waxaa marba marka ka dambaysay sii xoogaysanaya xiisadaha colaadeed ee ka socda gudaha dalka Itoobiya, gaar ahaan gobolka Amxaarada, halkaas oo dagaallo lagu hoobtay ay ku dhex-marayaan ciidanka Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaadka Amxaarada ee Fano.

In ka badan 100 askari oo ka tirsan ciidanka Xabashida Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa in dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen dagaallo culus oo ka dhacay jiidda hore ee deggaanka Raaya, ee waqooyiga bari ee gobolka Amxaarada, sida ay shaacisay jabhadda Fano.

Dagaalladan oo ahaa kuwo aad u xooggan ayay Fano xaqiijisay in subaxnimadii Khamiista ay ka bilowdeen ugu yaraan 6 jiho oo ka tiran jiidda hore ee deggaanka Raaya. Waxaana halkaasi ka dhacay dagaallo culus oo si weyn loogu wiiqay ciidanka Xabashida Itoobiya.

Maleeshiyaadka Fano ma aysan sheegin khasaaraha dhankooda soo gaaray, dhinaca dawladda Xabashida Itoobiyana kama aanay guullaha millateri ee maleeshiyaadka Fano ay sheegteen inay kasoo hooyeen gobolka Wollo.

Dhammaadka bishii hore, ciidamada dowladdu, waxay qirteen in ay la kulmeen mid ka mid ah guuldarrooyinkii ugu xumaa ee soo gaara tan iyo bishii Agoosto 2023 oo ah markii uu dagaalku ka bilowday gobolka Amxaarada. Waxaanu nidaamka Abiy Axmed uu ku eedeeyey maleeshiyaadka Tigreyga ee TPLF iyo ciidamada Eretriya in qayb ay ka ahaayeen qorshaynta iyo fulinta weerarradaasi.

Si kastaba ha ahaatee, dagaalladan muddada labada sanno ah ka socda gobolka Amxaarada ayaa u muuqda kuwo sii xoogaysanaya oo si xawliya ugu sii fidaya deggaanno hor leh. Iyadoo dhinaca gobolka Tigreegana laga cabsi qabo in mar kale ay halkaasi isku fara-saaraan ciidanka Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaadka mucaaradka ee TPLF.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -26-04-1447 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -26-04-1447 Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -26-04-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -26-04-1447 Hijri.

October 18, 2025
Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -26-04-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -26-04-1447 Hijri.

October 18, 2025
Kulamadii Cirro Iyo Abiy Ku Dhexmaray Addis-ababa Oo Isfam-waa Kusoo Idlaaday.
  • Allposts
  • Warar

Kulamadii Cirro Iyo Abiy Ku Dhexmaray Addis-ababa Oo Isfam-waa Kusoo Idlaaday.

October 18, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 35 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 35 aad)

October 12, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 34 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 34 aad)

October 6, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 33 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 33 aad)

September 22, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 32 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 32 aad)

September 10, 2025

Sawirro

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarkii Degmada Ceeldheer.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarkii Degmada Ceeldheer.

September 12, 2025
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Furashada Mujaahidiinta Ee Degmada Ceeldheer.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Furashada Mujaahidiinta Ee Degmada Ceeldheer.

September 12, 2025
Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.

August 17, 2025
Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.

August 9, 2025
Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.

August 5, 2025
Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.

August 4, 2025
Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.

July 25, 2025
Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.

July 20, 2025
Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.

July 15, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.

July 13, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.

July 8, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada