Maamulka sahaayinada Yahuudda, ayaa jebiyay xabad joojinta laga gaaray dagaalkii ka socday Gaza, waxayna saacadihii ugu dambeeyay xasuuq daran u gaysteen dadka rayidka ah ee ku dhaqan marinkaasi.
Inka badan 100 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa ku shahiiday duqaymo culus oo marinka ka dhacay muddo 12 saacadood gudahood, kuwaas oo ay ku jiraan 35 carruur ah.
Ciidanka gumeystaha ayaa lasoo wariyay inay duqaymo culus ku beegsadeen guryo iyo teendhooyin ay degganaayeen dad barakacayaal, xasuuqan ayayna Yahuuddu ku jebisay heshiiskkii xabad joojin ee ay la gashay kooxaha wax iska caabinta.
Csbitaalka Naasir ayaa sheegay in ugu yaraan 20 oo shuhado ah lasoo gaar-siiyay, kuwaas oo lagu dilay weeraro ka dhacay Khaan Yuunis, mid ka mid ah ragga sida firfircoon usoo tebiya dhacdooyinka marinka, ayaa soo sheegay in Yahuuddu duqeymo culus ka gaysteen bartamaha iyo waqooyiga magaalada Rafax.
Ilo wareedyo caafimaad ayaa dhankooda sheegay in cisbitaalka Shuhada Al-Aqsa loo soo gaarsiiyay shan qof oo shuhado ah, kuwaas oo lagu beegsaday teendho ay ku jireen barakacayaal oo kutaal Dayrul-balax.
Waaxda difaaca madaniga Gaza ayaa war ay soo saartay waxay ku baaqday Xabbad joojin degdeg ah oo dhammeystiran iyo joojinta cudwaanka joogtada ah ee Yahuuddu ku hayso Gaza, sidoo kalena furmaan marinno amaan ah si shidaal, qalab iyo agab muhiim ah loo soo gaarsiiyo muslimiinta reer Gaza.
Maamulka Yahuudda ayaa caan ku ah gummaadka dadka muslimiinta ah ee reer Gaza iyo inuu ka baxo heshiisyada xabad joojinta ah ee looga dhawaaqo marinka, gumeystaha ayaa sii wada duqeymiisa Qaza, waxayna taas keentay in inka badan 150 qof lagu dilo marinka tan iyo markii la shaaciyay heshiiska.