Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Inka Badan 120 Itoobiyaan Ah Oo Lagu Dilay Duqaymo Ka Dhacay Bariga Gojjam.
  • Allposts
  • Warar

Inka Badan 120 Itoobiyaan Ah Oo Lagu Dilay Duqaymo Ka Dhacay Bariga Gojjam.

April 20, 2025

Warar faahfaahsan ayaa kasoo baxaya duqaymo aad u xooggan oo maalmo ka hor ka dhacay bariga mandiqadda Gojjam ee ismaamulka Axmaarada ee dalka Itoobiya, aaggaas oo ka mid ah goobaha ay isku hayaan ciidamada uu ra’iisul wasaaraha u yahay Abiy Axmed iyo maleeshiyada Fano.

Duqaymahan oo dhacay khamiistii ina dhaaftay ayaa beegsaday goobo ay ku badanyihiin dadka rayidka, ilo wareedyo dhanka deegaanka ayaa soo wariyay in duqaymuhu ahaayeen kuwa ay gaysteen diyaaradaha nooca aan duuliyaha lahayn ee xukuumadda Addis-ababa.

Weeraradan oo lagu dilay inka badan 120 qof oo Axmaaro ah ayay ciidamada Itoobiya si gaar ah uga fuliyeen deegaanka Gedebe ee ka tirsan degmo Enarj Enawga ee bariga mandiqadda Gojjam.

Wararku waxay intaas ku darayaan in dadka beegsaday ay ka mid ahaayeen rayid ku hawlanaa nolol maalmeedkooda, gaar ahaanna ku sugnaa suuqyada dadweyne, waxay sidoo kale Drone-tu beegsatay dad dhisayay guri dhoobo ka samaysan, sida laga soo xigray ilo wareedyo maxalli ah.

Ilo wareedyadu waxay soo sheegeen in weerarada ay gaysteen ciidamada uu hoggaanka u hayo Abiy Axmed uu ka koobnaa saddex weerar oo drone loo adeegsaday, kuwaas oo weeraray goobo kala duwan oo ka tirsan deegaanka Gedebe.

Marshet Tsehayu, waa afhayeenka jabhadda mucaaradka hubeysan ee Fano ee ku sugan mandiqadda Gojjam, wuxuu sheegay in weerarka uu ahaa midkii ugu xumaa ee drone loo adeegsado, wuxuuna u sabababeeyay khasaaraha weyn ee dhimasho iyo dhaawaca leh ee ka dhashay weerarada.

Wararka la helayo waxay tilmaamayaan in dadka lagu dilay duqaymahaasi oo kor u dhaafaya 120 xubnood oo Axmaaro ay ku jiraan dumar iyo waayeello.

Warbaahinta maxalliga ah waxay sidoo kale sheegtay in weerarkaasi uu ka horreeyay mid kale oo lagu dilay 20 qof oo rayid ah, weerarkan ayaana si gaar ah kaga dhacay deegaan kale oo Gojjam ka tirsan, ciidanka xabashida ee dowladda ayaa la sheegay inay si bareer ah u beegsadeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Tirada guud dadka rayidka ee ku dhintay labada weerar ee dhacay maalmaha is xig-xigay ayaa la sheegay inay gaarayso 150 xubnood, halka tiro kale oo rayid ahna ay ku dhaawacmeen.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -23-10-1446-Hijri.
Next: Trump Oo Soo Saaraya Wareegto Ay Lacago Malaayiin Ah Ku Waayi Doonaan Dalal Ay Somalia Ka Mid Tahay.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -14-02-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -14-02-1447 Hijri.

August 8, 2025
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 14-02-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 14-02-1447-Hijri.

August 8, 2025
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -14-02-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -14-02-1447-Hijri.

August 7, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 25 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 25 aad)

July 26, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 24 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 24 aad)

July 18, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)

July 13, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 22 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 22 aad)

July 5, 2025

Sawirro

Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.

August 5, 2025
Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.

August 4, 2025
Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.

July 25, 2025
Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.

July 20, 2025
Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.

July 15, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.

July 13, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.

July 8, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.

July 7, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.

July 6, 2025
Daawo Mujaahidiinta Oo Si Nabad Ah Kula Wareegay Deegaanno Ku Dhow Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Mujaahidiinta Oo Si Nabad Ah Kula Wareegay Deegaanno Ku Dhow Moqokori.

July 3, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Ceel-qooxle.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Ceel-qooxle.

June 30, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada