Maleeshiyaadka jabhadda Amxaarada ee Fano ayaa ku dhawaaqday in 132 askari oo ka tirsan ciidanka dowladda ay ku dileen aagga Jawi ee gobolka Gojjam, ee deegaanka Axmaarada ee dalka Itoobiya.
Howlgalkan ayay jabhaddu sheegtay in Isniintii lasoo dhaafay ee usbuucan uu ka dhacay magaalo lagu magacaabo Kunber, kaas oo ay xustay in si wada-jir ah ay u fuliyeen saddex guuto oo ka tirsan maleeshiyaadka Fano.
Waxay kaloo oo kooxda Fano ay shaacisay in gacanta ay ku dhigtay 32 askari oo ka tirsan ciidanka dawladda iyo weliba hub fara badan.
Wargeyska Borkena, ayaa baahiyey sawirro muujinaya ciidanka la sheegay in nolosha lagu qabtay iyo weliba saanadda millateri ee dagaalkan ay ku qabsatay jabhadda Fano.
Ciidanka maamulka Abiy Axmed ayaa la sheegay in ay fuliyeen duqeymo dhinaca cirka ah, kuwaas oo lala beegsaday dad rayid ah oo ku sugnaa Shawura oo dhacda badhtamaha Gondar, halkaas oo ay ku dhinteen saddex qof oo rayid ah.
Hawl-galkan lagu gummaaday ciidanka Itoobiya, ayaa bannaanka keenaya xaaladda kasii daraysa ee ka aloosan gudaha waddankaasi iyo sida loo wiiqay ciidanka Xabashida Itoobiya.