Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdooyinka laga soo tabiyo badda Mediterranean-ka ee ay ku le’anayaan dadka Soomaaliyeed, inka badan 20 qof oo Soomaali ah ayaana ku dhintay xeebaha Talyaaniga.
Ibraahim Cumar oo kooxda Riddada Soomaaliya ugu magacaaban safiirka safaaradda ay ku leeyihiin Talyaaniga ayaa waraysi uu bixiyay ku xaqiijiyay in dhacdadan ay ka dhacday jaziiradda Lampedusa ee dalkaasi, halkaas oo ay ku dhinteen 23 qof oo Soomaali ah.
Wararku waxay sheegayaan in dhacdadan ay timid kaddib markii ay degteen laba doonyood oo ay la socdeen dad tahriibeyaal ah oo kasoo baxay Liibiya, kuna sii jeeday dalka Talyaaniga.
Doonyaha ayaa degay kaddib markii ay cillado ku yimaaddeen, waxayna taasi keentay in 23 qof oo Soomaali ah ay goobta ku dhinteen, ilo wareedyo kale ayaa sheegay in kooxaha gurmadka ilaalada xeebaha Talyaaniga ay kaliya ku gooleysteen inay nolol ku helaan 15 qof, tahriibeyaasha dhacdadan la kulmay ayaa ku dhow 100 qof sida la sheegayo.
Waxay tani qayb ka tahay dhacdooyinka shilalka badeed ee ay la kulmaan tahriibeyaasha kasoo jeeda Africa ee doonaya inay gaaraan dalalka Yurub, shilalka dhanka badda ee sannadkan kaliya ka dhacay badda Mediterranean-ka waxaa ku dhintay 675 qof sida ay muujinayaan tirakoobyo la helay.