Khasaare culus oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ciidamada kuffaarta Kenya kasoo gaaray weerar culus oo ay ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen gobolka Laamu oo ka mid ah dhulalka muslimiintu leeyihiin balse ku hoos jira gumeysiga saliibiyiinta Kenya.
Howlgalka ahaa mid dhabbagal ah ayaa lagu beegsaday kolonyo ka tirsan ciidamada kuffaarta Kenya, kuwaasi oo ka baxay magaalada Sankuuro kuna sii jeeday dhanka magaalada Kiyuunga ee gobalka Laamu, waxay na mujaahidiintu qarax la beegsadeen gaari Mutabiish ah oo qayb ka ahaa kolonyada, si wanaagsan ayuuna u haleelay.
Howlgalkan barakaysan waxaa inta la xaqiijiyay ku dhintay inka badan 21 askari oo ka tirsanaa ciidamada kuffaarta Kenya, halka ay ku dhaawacmeen 11 askari, waxaana howlgalka kamiinka ah ku gubtay gaari Mutabiish ah, halka uu burbur xooggan gaaray gaari Cabdi bile ah.
Dhanka kale, ciidamada mujaahidiintu waxay howlgal isugu jiray qarax iyo kammiin la beegsadeen maleeshiyo murtadiin oo ku socdaalayay inta u dhaxayso deegaannada Buulo-gaduud iyo Baarsan-guuni ee duleedka magaalada Kismaayo, waxaana weerarkaasi lagu dilay 2 askari oo murtadiin ah, halka lagu dhaawacay 3 kale.