Ugu yaraan 25 qof oo Kiristan ah ayaa lagu dilay bariga gobolka Arsi oo hoos-taga ismaamulka Oromada, sida ay xaqiijisay Waaxda Xiriirka Dadweynaha ee Kaniisadda Ortodhogoska ee Kuffaartu Xabashidu ay halkaasi ka dhistay.
Mas’uul u hadlay Kaniisadda ayaa sheegay in dadkaasi oo raacsanaa Kaniisadda, lagu laayay muddo soddon cisho gudahood ah, gaar ahaan bishan u dambaysay ee tobnaad ee 2025.
Dadkan ayay Kansiisaddu xustay in lagu laayay degmooyin kala duwan, balse ma aysan caddayn cidda falalkaas geysatay.
Dhanka kale, ilo maxalli ah oo ka tirsan kaniisadda ayaa u sheegay Addis Standard in habeennimadii Isniinta ee lasoo dhaafay saddex qof la dilay, afar kalena la afduubtay, kadib markii rag hubaysan oon haybtooda la qoonsan ay soo weerareen deggaanka Hela Zibaba ee degmada Shirka ee bariga gobolka Arsi.
Waxa kale oo qofka u warramaya wargeyska oo codsaday in magaciisa aan la sheegin uu carabaabay in dadka la laayay lagala baxay guryahooda kadibna la toogtay, isagoo xusay in weerarrada noocan ah ay ka bilaabmeen deegaanka sanadkii 2021, isla markaana ay sii kordheen tan iyo markaas.
Wuxuu intaas ku daray in qiyaastii 190 qof lagu dilay weerarro la mid ah tan iyo 2021. Inkasta oo aan la aqoonsan cidda ka dambeysa iyo sababta weerarrada, wuxuu xaqiijiyay in dadka la beegsaday ay ahaayeen dad Kiristan ah oo raacsan Kaniisadda Ortodhogoska.
Falalkan ayaa kusoo aadaya xilli guud ahaan xiisadaha ka aloosan gudaha Itoobiya ay cirka isku sii shareereen isla markaana bishan u dambaysay ciidamada Xabashida Itoobiya si weyn loogu wiiqay gobolka Amxaarada. Dhinaca waqooyiga ee Tigreega iyo sidoo kale xuduudda Eretariyana ay ka socdaan saansaan colaadeed oo aad u xooggan.