Khasaare laxaad leh ayaa maleeshiyaadka murtadiinta lagu gaarsiiyay dagaallo culus oo maanta ka dhacay duleedka deegaanka Aboorrey ee hoostaga degmada Buulo-burte ee wilaayada Hiiraan ee dhacda bartamaha Soomaaliya.
Dagaalladu waxay ahaayeen kuwa u dhaxeeyay ciidamada mujaahidiinta iyo maleeshiyada Riddada oo dhinaca sare ay ka taageerayeen diyaaradaha saliibiyiinta Maraykanka, waxaana Allaah fadligiis dagaalladaasi tiro saddex jeer ah lagu jabiyay maleeshiyada Riddada ee Ameerikaanku taageerayay.
Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray maleeshiyada huwanta ah ayaa la xaqiijiyay, waxay na imika dhimashadu maraysaa 14 askari oo murtadiin ah, oo 3 ka mid ah meydadkooda ay kaga carareen Riddada goobta dagaalka, halka dhaawacana uu gaarayo 20 kale.