Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdo shil ah oo laba maalin ka hor ka dhacday mandiqadda Shewa ee dhacda ismaamulka Axmaarada ee dalka Itoobiya.
Dhacdadan ayaa si gaara looga soo tabiyay dhisme ka socday goob kaniisad laga dhisyaya oo kutaalla magaalada Minjar Shenkora ee dhacda waqooyiga mandiqadda Shewa ee gobolka Axmaarada, waxaana halkaas ku dhintay ugu yaraan 30 qof oo Axmaaro ah.
Maamulka mandiqadda oo ka hadlay dhacdadan ayaa sheegay inay suuragal tahay in khasaaraha dhimasho uu kordho, maadaama la sheegay in qaar ka mid ah dadka dhaawacyada qaba ay xaaladdoodu tahay mid aad u culus.
Xafiiska ciidanka Booliska Itoobiya ee degmada Minjar Shenkora ayaa war uu soo saaray ku sheegay in shilku si gaara uga dhacay dhismaha kaniisad lagu magacaabo Arerti Mariam, dadka 30-ka xubnood kor u dhaafaya ayuu xusay inay dhinteen markii ay kusoo duntay tiir alwaax ka sameysan oo ay dadku ku badnaayeen.
Waa mid ka mid ah dhacdooyinka shilalka ah ee laga soo tabiyo Itoobiya, si gaar ahna ismaamulka Axmaarada ee dhaca waqooyiga waddankaasi.