Inta la hubiyay ugu yaraan 14 qof ayaa dhintay, halka tiro intaas ka badan ay dhaawacmeen, kaddib shil baabuur oo ka dhacay isgoys mashquul badan oo kuyaal dalka Kenya.
Warbaahinta maxalliga ah ee Kenya oo soo tebisay dhacdada, ayaa sheegtay in shilka oo ahaa mid culus uu si gaar ah uga dhacay isgoyska Malaha ee kuyaal jidka dheer ee isku xirta Kitale iyo Webuye ee ka tirsan ismaamulka Bungoma.
Shilka ayaa yimid markii darawalka gaari xamuul ah uu koontaroolka lumiyay, taasi oo keentay in uu dhaco gaadiid kale iyo dad lugtooda maalayay oo waddada ku socdaalayay, saraakiisha Booliiska ayaana sheegay in shilku dhacay subaxnimadii shalay.
Booliisku waxay sheegeen inay wadaan baaritaanno dheeraad ah oo ku saabsan qaabka uu shilku u dhacay, marka laga soo tago dhimashada 14-ka qof, waxaa sidoo kale shilkan baabuur ku dhaawacay 30 kale, taasi oo wadarta guud ka dhigaysa 44 qof oo dhimasho iyo dhaawac ah.
Dadka dhaawacyada qaba ayaa lasoo wariyay in loo qaaday cisbitaal kuyaal deegaanka Webuye ee nawaaxigiisu shilku ka dhacay, halka maydadkana la geeyay qolka meydadka ee cisbitaalkaasi.