Xilli bishii lasoo dhaafay ay dhaceen howlgallo malaaxim ah oo mujaahidiinta Al-qaacidda ee galbeedka Africa dhagta dhiigga ugu dareen boqollaal ciidamo ah oo ka tirsan millatariga dowladaha Maali, Burkiina Faaso, Nayjar iyo Benin ayay mujaahidiintu soo saareen warbixin ku saabsan tirakoobka howlgalladii dhacay bishii ina dhaaftay.
Mu’assasada Al-zallaqa oo ah garabka warbaahineed ee jamaacada Nusratul Islam wal-muslimiin ayaa shaacisay tirakoobka cusub ee lagu soo bandhigay weeraradii mujaahidiinta ku beegsadeen saliibiyiinta iyo murtadiinta, kuwaas oo lagu dilay inka badan 800 oo askari, laguna qabsaday hub iyo gaadiid tiro badan oo cadowga laga furtay.
Howlgallada ciidan ee ay ciidamada mujaahidiintu fuliyeen bishii Dul-qicda ee ina dhaaftay ayaa lagu sheegay ilaa 64 weerar, kuwaas oo 32 ka mid ah ay ahaayeen dagaalo toos ah, 25 ka mid ahna ay ahaayeen weeraro qaraxyo loo adeegsaday, halka 7-da kalena tirakoobka lagu sheegay inay ahaayeen kuwa jidgal ah.
Weeraradan oo qaar ka mid ah cagta lagu mariyay saldhigyo waawayn ayay mujaahidiintu shaaciyeen inay gallaafteen nolasha inka badan 828 askari, waxaana lagu qaniimeystay 29 baabuur oo kuwa ciidanka ah, inka badan 872 hubka noocyadiisa kala duwan ah, inka badan 168 mootooyin ah iyo 47 RBG ah.
Waxaa sidoo kale howlgalladan barakaysan lagu gubay inka badan 54 gaari oo kuwa dagaalka ah, tirakoobkan ayaa kusoo beegmaya xilli mujaahidiintu bishii lasoo dhaafay qabsadeen magaalada Jiibu ee dhacda Burkiina-Faaso iyo saldhigyo millatari oo isugu jira kuwa dagaal looga saaray murtadiinta iyo kuwa iyaga oo lagu soo wajahan yahay ay faarujiyeen cadowga.
Hoos ka akhriso tirakoobka mujaahidiinta Maali soo saareen.