Xili gobolka Bariga Afrika uu wajahayo isbadaallo waaweyn oo xagga siyaasada iyo ciidanka ah, ayna jirti daganaasho aan ku taagneyn caga buuran, ayuu socdaal ugu ambabaxay madaxweynaha Eratariya dalka Masar oo xulufo muhiim u ah .
Isaias Afwerki ayaa ka duullay magaallada caasimadda ah ee Asmara isaga oo kusoo jeeda Al-qaahira oo uu ku sugnaan doonno muddo maalmo ah sida ay sheegtay wasaaradda warfaafinta Eratariya.
Booqashada Isaias Afwerki ayaa ah mid ay si weyn indhaha ugu haayaan dowladaha gobolka iyo falanqeeyaasha , wuxuuna Masar ku sugnaan doonna mudo shan maalin ah, waqtiga dheer ee uu qaadanayo socdalka Afwurki ayaana la sheegaya in uu cadaynayo ajandayaasha waaweyn ee ay dhinacyadu ka doodi doonaan.
Booqashada mdaxweynah Eratariya ayaa kusoo beegmaysa saacado kadib markii ra’sul wasaaraha Itooiya iyo janaanka ugu sareeya ciidankiisa ay si cad oo aan ka leexleexasho laheyn hanjabaad hawada ugu mariyeen xukumada Asmara ayna sheegeen in aysan ka labalabeyn dooni qabsashada dekada Casab.
Isxulufaysigaan cusub ayaa imaanaya iyadoo geeska Afrika uu wajahayo isbadaallo ana horay loo arag, Addis Ababa iyo Asmara ayaa isku hub uruursanaya, halka ciidanka dowlada Suudaan uu burbur ku wajahyo gobolka Daarfuur, tallabadaasi oo ay gul u arkaan Imaaraatka iyo itoobiya oo labaduba uusan xiriirka kala dhaxeeya Masar iyo Eratariya uu fiicneyn.
Ugu danbeyntii dhacdooyinkan ayaa qeybka ah isbadaallo waaweyn uu caalamku martigalinayo, falanqeeyaasha ayaanha sheegaya in isku dhaca quwadaha gobolka ay keni karto faragalin caalami ah iyo dagaal buuxa oo ay dunidu ujihaysato.