Banaanbaxyo markii danbe isku badalay iska hor’imaadyo ayaa saacadihii lasoo dhaafay wuxuu ka dhacay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, kaasoo u dhaxeeyey dadka deegaanka iyo maleeshiyaatka ridada.
Dadka deegaanka ee ku dhaqan degmada Dayniile ayaa siweyn uga horyimid isku day dhulboob oo murtad Xasan Gurguurte damacsanaa inuu ka sameeyo xaafado ka tirsan degmada Dayniile.
Shacab careysan oo sita hub ayaa ka hortagay maleeshiyaad murtadiinta oo doonayey inay burburiyaan dhulal dad shacab ah ay dagan yihiin oo ku yaalla degmada Dayniile ee Muqdisho.
Waa kuwaan qaar kamid ah dadka ku dhaqan degmada Dayniile oo dhigay bannaanbyo ay uga soo horjeedaan dhulboobka Gurguurte.
Waxaa sii kordhaya dhulboobka Xasan Gurguurte uu kawado Muqdisho, iyadoona shacabka Muqdisho markaan isku dayayaan inay ka hortagaan boobka dhulka ee xargaha Goostay ee kooxda Riddada ay kawado Muqdisho.