Kenya waxay sannad kaddib maanta markale marti_gelisay dibadbaxyo aad u ballaaran oo ay dhigayaan dadka Kenyaanka ah, kuwaas oo ka cabanaya tacaddiyo kala duwan oo ay ku hayso dowladda Kenya.
Kaddib diyaar garow maalmo qaatay oo ay ku jireen dadka Kenyaanka, ayaa waxay dibadbaxyadu ka billowdeen magaalooyin dhowr ah oo kuyaal Kenya oo ay ka mid tahay caasimadda Nairobi, halkaas oo waabarigii saaka isugu soo baxeen kumannaan dad ah.
Dibadbaxayada hadda socda ayaa waxay dib usoo laabteen bartamaha June, kadib markii uu caro dadweyne dhaliyay fal dil ah oo lagu eedeeyay ciidanka Booliiska, kuwaas oo xabsiga ku dhex dilay nin caan ka ah baraha bulshada.
Maanta oo Arbaco ah ayay dadku isku ballansadeen dibadbaxyo ka dhan ah dowladda Kenya, kuwaas oo dalbanayo in la joojiyo tacaddiyada dowladdu ku hayso dadka rayidka ah, ciidamo booliis ah ayay dowladda Kenya u howlgeliyay qamcinta dibadbaxbayaasha.
Warbaahinta maxalliga ah waxay soo tabisay in ciidamada Kenya ay rassaas nool nool u adeegsadeen dadkii kacdoonka ka sameeyay ismaamullada kala duwan ee Kenya, waxaana la xaqiijiyay in dibadbaxyada ka dhacay Nairobi ay ku dhinteen ugu yaraan laba xubnood.
Cisbitaallada Nairobi waxay sheegeen in 8 qof oo kale ay ku dhaawacmeen dibadbaxyada socda, muuqaallo iyo sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay ciidamada Booliska oo sunta dadka ka ilmaysiisa iyo rassaas nool nool u adeegsanaya dadka shacabka ah.
Gaadiid waawayn ayay sidoo kale adeegsanayeen Booliisku, dowladda Kenya ayaa amar ku bixisay in wariyeyaashu aysan si toos ah u tebin dibadbaxyada socda, si aan loo qariyo dambiyada dilka iyo dhaawaca ah ee ay gaysanayaan ciidamadooda ammaanka.
Ganacsiyada magaalada ayaa maanta xirnaa, waxaana ka mid ah suuqa ay Soomaalidu ku ganacsato ee Islii, didbaxyadu waxay isku baddeleen dhac toos ah iyo iska hor’imaadyo.
Dibadbaxayaasha ayaa isku soo baxyadan kusoo aaddiyay sannad-guuradii koowaad ee kasoo wareegatay dibad-baxyadii ka dhanka ahaa dowladda ee looga soo horjeeday kor-u-qaadista cashuuraha oo ay ku dhinteen ugu yaraan 60 qof, 20 kalena ilaa hadda lagu la’yahay.