Habtamu Atfa oo ah wasiirka waraabka dowladda Itoobiya, ayaa shaaciyay in dowladdiisu soo dhammaystirtay dhammaan wejiyadii dhismaha iyo buuxinta waaskooyinka biyo xireenka Al-nahda ee uu khilaafka badan hareeyay.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dowladdiisu ku jirto qaban-qaabada xaflad heer qaran ah oo ku saabsan biyo xireenka, isagoo xusay in lasoo bandhigi doono guulo ay dowladdiisu gaartay sida uu hadalka u dhigay iyo sidoo kale caqabadaha uu la kulmay mashruucan tan iyo markii la bilaabay.
Habtamu ayaa arrintan ka dhawaajiyay xilli uu waraysi siinayay telefiishanka dawladda xabashida, wuxuu ku celceliyay oo uu u qiil dayay in biyo xireenka uu muranka badan ka taagan yaahy ee dowladdiisu ka dhisatay wabiga Niil uusan wax saamayn ah ku yeelan doonin dalalka jaarka la ah.
Waxay ku dhawaaqista guulaha uu sheeganayo maamulka Abiy Axmed ee ku aaddan Biyo-xireenka kusoo beegmaysaa xilli dowladaha Masar iyo Suudaan ay si cad u sheegeen inaysan oggolaan doonin ka shaqaysiinta Itoobiya ee biyo xireenka ay ka dhisatay wabiga Niil.
Al-siisii oo dhowaan la hadlayay madaxweynaha Uganda, ayuu u sheegay in Masar oo ka tagto biyaha webiga Niil ay ka dhigantahay in nolosha malaayiin Masaari ah ay beyllaha ka dhigaan, sidaas darteedna aysan oggolaan doonin adeegsiga biyo xireenkaasi.
Dhammaystirka dowladda Itoobiya ee dhismaha iyo buuxinta biyo-xireenka ayaa kusoo beegmaysa xilli maalmo ka hor uu rur gaaleedka Midowga Afrika ogolaaday in kumanaan ka tirsan ciidamada Riddada Masar loo soo daabulo Soomaaliya iyaga oo wata magaca howlgalka ashahaada la dirirka AUSSOM, balse dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay iska difaacayso ciidankaasi.