Reysal Wasaaraha dawladda Xabashida Itoobiya, Abiy Axmed oo horey-ba u shaaciyey inuu xooga ama xeelad mid uun ku xayuubsan doono xeebaha Soomaaliya, ayaa haatanna faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey qaabka ugu fudud ee ay doonayaan in qorshahaasi ay ku hir-geliyaan.Khudbad Abiy Axmed uu Talaadadii lasoo dhaafay ka hor-jeediyey golaha baarlamaanka dawladda saliibiyadda Itoobiya, ayuu kusoo bandhigay dood iyo isbarbardhig u muuqda mid uu doonayo in uu ku kicinayo Shacabka dalkiisa.
Waxa uu sheegay in isku-darka dalalka Soomaaliya, Jabuuti iyo Eretriya ay ku nool yihiin 25 milyan oo ruux, kuwaas oo haysta ayuu yiri xeeb dhererkeedu gaarayo 5,000 oo kiilomitir, halka Itoobiya oo ay ku nool yihiin waa sida isaga iyo kuwa la midka ah ay sheegaane dad gaaraya 130 milyan, ay bad la’aan yihiin, loona diiddan yahay 50 km oo Badda Soomaaliya ah.
Abiy waxa uu si cad u qeexay in haba yaraatee dunida guudkeeda aanay ka jirin wax caddaalad ah haddii Itoobiya laga hor istaago xaqiijinta damaceeda badeed. Waxaanu ku goodiyey in haddii xeeladda ay wadaan ay shaqayn waydo aanay ka fursan doonin xoog iyo tallaabo aan la mahadin.
R/Wasaaraha Itoobiya isagoo ka dhimbil-qaadanaya xad-gudubka ay Yahuuddu ku hayso dunida muslimka, ayuu tusaale u soo qaatay buuraha istaraatiijiga ah ee Juulaan oo ka tirsan dhulka Suuriya balse haatan ay ka taliso Sahaayinadu, kadib markii ay xoog ku qabsatay 1967-kii.
Isagoo damacaasi gurracan ku hal-qabsanaya ayuu Abiy Axmed si cad u sheegay in qabsashada dhulka buuraleyda ah ee Juulaan ay Yahuuddu ka dhex aragtay danteeda amniga, sidaas darteed waxa uu hoosta ka xariiqay in danka qaranka Itoobiyana ay ku xiran tahay biyaha Badda Cas.
Abiy Axmed waxa uu carrabka ku adkeeyey in muhimadda dhulka buuraleyda Juulaan ugu fadhiyaan maamulka Sahaayinada, ay mid la mid ah biyaha Badda Cas ugu fadhiyaan dawladda Xabashida Itoobiya, doonisteedana aanay ka harsan doonin.
Haddaba halkan waxaanu idiinku soo gudbinaynaa qaybo ka mida turjumaadda hadalladii uu halkaasi ka jeediyey Abiy Axmed, oo uu kusoo bandhigay shuruudo iyo qorshayaal dhagaraysan oo ka dhanka ah ummadda muslimiinta ah ee Soomaaliyeed:
“Dhawaan waxa laga yaabaa inaad aragteen madaxweynaha Jabuuti aabahayo Ismaaciil iyo Xasan Sheekh. Waxa ay yimaaddeen deggaanka Soomaalida, dadka ayay la hadlayeen oo ay la heesayeen. Dhaqan isku mid ah iyo luuqad isku mid ah ayay isku fahmayeen.
Meel kasta oo aad tagto, Tigray, Soodaan, Soodaanta Kuunfureed, Kenya, dhaqankaasi waa mid ka jira. Waxa la mid ah khayraadka dabiiciga ah, waa laga wada faa’iidaysan karaa. Khayraadku waa mid innagu filan.
Laga soo bilaabo Masawac ilaa iyo cirifka Muqdisho waa 5,000 km, waa innaga badan yahay runtii. Shantaas Kun ee Km waxaa ku nool ku dhawaad labaatan Milyan oo Soomaali ah, waxoogaa Jabuutiyaan ah iyo waxoogaa kale oo Eretariyaan ah, isugeynta Shan iyo Labaatankaa Milyan, waxa ay haystaan 5,000 km.
130 Milyan oo Itoobiyaan ah, waxa ay dalbanayaan 50 km oo kaliya, haddii aanay taasi caddaalad ahayn caalamkaba caddaaladi ma taallo ujeedkayagu ma aha in aanu idinka qaadanayno. Itoobiya waxa ay leedahay biyo-xireenka qaaradda Afrika ugu weyn, saami 15 ilaa 20% ayaanu idinka kaga bedelan karnaa marin-biyoodka. Waa nidaamka ganacsi ee caalamiga ah taasi.
Haddii ay taasi idinku adag tahay, Itoobiya waxay sidoo kale leedahay, Shirkadda diyaaradaha ee ugu horreysa Afrika oo dhan. 5, 10 ilaa 20% saami gaaraya ayaad qaadan kartaan. Haddii ay taasi dhici waydo, waad naga kiraysan kartaan. Haddii kale, dhul ayaa dhul kale lagu beddelan karaa. Nabad-gelyo iyo wada-hadal ayaa arrintaasi lagu xallin karaa.
Itoobiya si ay u hesho adeeg badeed, ma ay dhihin cid ayaanu dili doonaa, waxayse tiri fadlan sida aad u dhaqmaysaan, ma aha si dabiici ah oo shaqayn karta. Sidaasi daraadeed heshiis ku salaysan suuqa ganacsiga, aan ku xallino arrintan.
Arrintaasi haddii aanay dhicin, annagu ma bedbaadi karno, dhibaato ayaanay abuuraysaa labada dhinacba. Tusaale ahaan, biyahan dhinacayaga ka taga ee webiga Tekese la yiraahdo haddii aanu xirno, ama aanu xannibno webiga Shabeelle ee Soomaaliya aada, ama aan joojino webiga Oomo ee Kenya u qulqula, ama aanu xakamayno webiga Baaro ee u shubma Suudaanta koonfureed iyo haddii aanu Niil-kaba jarno oo taga dhinaca Suudaan, ma wax dhici karaa? Sharcigu ma ogola sow ma aha? Sax ma aha arrintaasi sow ma aha? Waa taas oo kale uun, annagu waxbaanu ka garaabaynaa, iyaguna ha garaabeen.
Aan is-caawinno labada dhinacba oo si wada-jir ah aan u wada kobocno. Ilaa iyo hadda waxa jira dad badan oo aan la hadlay oo arrintaasi ka garaabay. Laakiin xalku ma aha dagaal, wakhti nasiiya ayay dhaheen walaalaheen. Wakhtigiina qaata oo soo wada-hadla ayaan dhahnay. Waan idin sugaynaa, waan idiin samraynaa, haddii ay sidaas noqon waydana, ubadkayaga ayaa la waydiin doonnaa.
Arrinta ku aaddan Badda Cas, dhowr goor ayaan soo hadal-qaaday, Israa’iil maxay u qaybsatay buuraleyda Juulaan? Waxay u qabsatay maadaama ay ogtahay in danaheeda qaranka, madaxbannaanideeda, amnigeeda iyo jiritaankeedaba ay dhibaato soo gaari karto. Qofka aaminsan in Itoobiya aanay u baahnayn irrid-badeed, ee aaminsan in aanay xaq u lahayn arrintaasi, waxa ka khaldan qodob dabiiciya.”
Abiy Axmed wuxuu hadalkiisan ku caddeeyey in kulamadii uu la yeeshay hor-joogayaasha maamullada Jabuuti iyo Villa Somaliya, ay salka ku hayeen hir-gelinta damacaasi gurracan ee Itoobiya ku rabto inay ku xayuubsato xeebaha Soomaaliya.
Isku soo wada duuboo, falanqeeyayaashu waxay tilmaameen in hadallada kasoo yeeray Abiy Axmed ay si cad u muujinayaan damaca fog ee Itoobiya doonayso inay kula wareegto xeebaha Soomaaliya, iyadoo weliba adeegsanaysa awood millateri.
Dhawaaqan ayaa kusoo aadaya xilli wufuud ka socotay dawladda Maraykanka ay muddooyinkii u dambeeyey ku noq-noqonayeen magaalada Addis Ababa, isla markaana dhowr jeer ay ka dhawaajiyeen in Itoobiya ay xaq u leedahay helista marin ay ka gasho biyaha Badda.