Machad ay leedahay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda saliibiyadda Itoobiya oo lagu magacaabo Institute of Foreign Affairs (IFA) oo inta badan ka hadla siyaasadda Geeska Afrika ayaa baahiyey warbixin uu cinwaan uga dhigay “Jawaabta Itoobiya ee Ajandaha Qalalaasaha Masar.”
Warbixintu waxay ka sheekaysay xiriirka muddada badan ay Itoobiya la lahayd maamullada daba-dhilifyada ahaa ee isaga dambeeyey Villa Soomaaliya iyo dagaalkii adkaa ee ciidanka Xabashida Itoobiya ay la galeen Mujaahidiinta Al-Shabaab.
IFA wuxuu xusay in sanadihii dambe gobolka Geesta Afrika uu ka soo muuqday tartan cusub oo istiraatiiji ah, gaar ahaan xiriirka sii kordhaya ee dowladda Riddada ah ee Masar ay ku leedahay arrimaha Soomaaliya iyo Badda Cas.
Machadka Arrimaha Dibaddu wuxuu tilmaamay in Itoobiya ay doonayso helitaan marin-badeed oo rasmiya. Halka Masar-na ay ka walaacsan tahay biyo-xireenka weyn ee Al-Nahda ee maamulka Addis Ababa uu ka dhisay biyaha webiga Niil.
Waxa uu machadka isb-barbar dhig ku sameeyey doodda Itoobiya iyo Masar, waxaanu sheegay in Itoobiya ay ku doodayso in isticmaalka biyaha Niil uu yahay xaq wadaag iyo cadaalad ah, halka Masar ay arrintan u aragto khatar ka dhan ah amniga qarkooda.
Warbixinta Institute of Foreign Affairs waxa sheegay, in dowladda Masar ay kordhisay xiriirka amni iyo diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya kooxda Riddada Soomaaliya iyo sidoo kale dowladda Eritrea si ay u miisaanto saameynta Itoobiya ee gobolka.
IFA waxa uu ka sanqariyey in dalka Soomaaliya ay ka qarxi doonaan dagaal-wakaaladeedyo khatgar gelin kara xasilloonida gobolka oo dhan, haddii quwado dibadda oo Masar ay ka mid tahay isku dayaan in ay ku tartamaan Soomaaliya.
Warbixintu waxay si cad u sheegtay in Itoobiya, oo ah dalka ugu weyn adduunka ee aan bad lahayn, uu raadineyo marin badeed rasmiya, isla markaana Itoobiya ka hor-tagayso wax walba oo damaceeda caqabado ku noqon kara.
Booqashooyinka Gurguurte ee Itoobiya iyo ka qaybgalkiisii furitaanka biyo-xireenka Al-Nahda ayay warbixintu ku sifaysay calaamad iskaashi, xilli maamulka saliibiga Addis Ababa isku dayayo inuu xoojiyo iskaashiga gobolka si uu u hirgeliyo damaca badeed ee Itoobiya.