Wararka ka imaanaya bartamaha waddanka Itoobiya, ayaa sheegaya in qoys Itoobiyaan ah oo ka kooban 8 xubnood ay 7 ka mid ah dhinteen, halka qofka 8-aad na ku sugan tahay xaalad aad u liidata, kaddib markii lasoo wariyay in ay ku sumoobeen cunto ay cuneen.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay deegaan lagu magacaabo Dhashe-koto oo ka tirsan degmada Meskan ee bartamaha dalka Itoobiya, 7-da qof ayaa lasoo wariyay inay dhinteen markii ay si wadajir ah u cuneen cunto sumeysan.
Dadka dhintay waxay ka kooban yihiin aabaha qoyska iyo lix caruur ah oo uu dhalay, halka hooyada qoyskaasina la dhigay qaybta caafimaadka deg degga ah ee cisbitaal kuyaal deegaanka.
Taliye ku xigeenka Booliiska gobolka oo warbaahinta la hadlay, ayaa xaqiijiyay dhacdada ay ku dhinteen 7-da xubnood, isagoo sheegay in dhacdadaasi ay uga shakiyeen 10 xubnood, kuwaas oo uu sheegay inay xabsiga dhigeen, dad kale oo la tuhunsan yahay ayuu sheegay inay ku daba jiraan.
“Toban qof ayaa la xiray iyadoo la tuhunsan yahay inay jiri karaan dad kale oo ku lug leh kiiskan, baaritaankuna wuu socdaa,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Booliiska.