Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Jabhadda Mucaaradka Fano Oo Weeraro Ka Fulisay Magaalada Woldia.
  • Allposts
  • Warar

Jabhadda Mucaaradka Fano Oo Weeraro Ka Fulisay Magaalada Woldia.

March 13, 2025

Maleeshiyaadka Fano ayaa lagu soo waramayaa inay weerar culus ku qaadeen deegaanka Woldiya ee gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in dagaalku uu ahaa mid xooggaystay, kadib markii ciidanka dawladda Xabashida Itoobiya ay hubka culus ku bar-tilmaameedsadeen goobo la sheegay in kooxda Fano ay ku leedahay gudaha magaallada Woldiya.

Ciidanka dawladda ayaa la sheegay in ay duqeeyeen goobo ay ka mid yihiin Wetek, Merto iyo Ezet oo dhammaantood ku yaal gudaha Woldiya. Sidoo kalena waxa uu dagaal culus ka qarxay Mechare Meda, Merto Eyesus, Sewa Meda iyo Amaya oo dhammaantood dhaca agagaarka isla magaallada Woldiya.

Walow dadka deggaanku ay sheegeen baabuurta gurmadka oo dhaawacyo daad-guraynaysa, haddana si rasmiya looma oga khasaaraha dhabta ah ee kala gaaray labada dhinac. Waxaanay ilo dadka deggaanka ah ay sheegeen in la arkayay saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda oo lacago kala baxayay bangiyada kadib markii ay ka rajo-dhigeen inay difaacdaan magaallada.

Wararka ayaa intaas ku daraya in labo bangi oo magaallada ku yaallay ay ka dhaceen kooxo hubeysan oo haybtooda weli aan la xaqiijin, xilli sida la sheegayo maleeshiyaadka Fano laftarkoodu aanay joogin magaallada Woldiya.

Sidoo kale dagaallo xooggan ayaa laga soo sheegayaa wadada isku xirta Addis Ababa iyo koonfurta magaallada Woldiya. Waxa kale oo dirir xooggani ay ka dhacday Meta Ghiorthis, Sembo iyo deggaano u dhaxeeya Sirinka iyo Woldiya.

Abebe Fantaw oo ah afhayeenka Wollo Fano oo todobaadkan la hadlay Ethio News ayaa sheegay in ciidamada Fano ay isku gadaameen magaalooyin badan oo ka tirsan Waqooyiga Wollo. Waxa kale oo Jabhadda Fano ay sheegatay in weerar kedis ah ay ku qaadday magaallada Muja ee degmada Gidan ee waqooyi galbeed Wollo.

Weerarkan ayaa sida la sheegayo lagu bartilmaameedsaday Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca Itoobiya, kuwa Rabshadaha iyo Maleeshiyaad, kuwaas oo xiligaasi shir ku lahaa magaallada. Janaraalkii Militariga ahaa ee deegaankaasi ayaa la sheegay in uu ka badbaaday weerarka.

Dhinaca kale ciidamada Fano ee ku sugan Gonder ayaa ka warbixiyay weeraro gaadmo ah oo ka dhacay bartamaha magaalada Gonder Belesa. Waxaanay sheegeen in khasaare xooggan ay gaarsiiyeen ciidanka dowladda. Iyadoo geesta waqooyi ee aagga Debark ay maleeshiyaadka Fano sheegeen inay ku dileen in ka badan 20 askari oo ka tirsan ciidanka dowladda.

Maamulka Abiy Axmed ayaa dhinaciisa sheeganaya inuu guulo milatari oo la taaban karo ka gaaray Bariga Gojjam, Galbeedka Gojjam, aagga Cawi, iyo koonfurta Gonder ee gobolka Axmaarada. Waxaanu carabaabay in dagaalladii ka dhacay deggaannadaasi ay ku dileen 1025 maleeshiyaadka Fano ah, 574 kalena ay ku dhaawaceen.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -13-09-1446 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -14-09-1446-Hijri.

Related Stories

Xuuthiyiinta Oo Ku Goodisay Weeraro Ka Dhan Ah Masaalixda Yahuudda Ee Waqooyiga Somalia.
  • Allposts
  • Warar

Xuuthiyiinta Oo Ku Goodisay Weeraro Ka Dhan Ah Masaalixda Yahuudda Ee Waqooyiga Somalia.

January 17, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 28-07-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 28-07-1447-Hijri.

January 17, 2026
Mujaahidiinta Oo Weeraro Ku Beegsaday Saldhig Ciidan Oo Kuyaal Banaadir Iyo NFD.
  • Allposts
  • Warar

Mujaahidiinta Oo Weeraro Ku Beegsaday Saldhig Ciidan Oo Kuyaal Banaadir Iyo NFD.

January 17, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026
Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.

January 14, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.

January 13, 2026
Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 12, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 10, 2026
Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.

January 9, 2026
Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.

January 5, 2026
Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.

December 31, 2025
Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.

December 20, 2025
Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.

November 30, 2025
Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.

November 16, 2025
Warbixin+Sawirro: Mujaahidiinta Nusratul Islaam Oo Cagta Mariyay Saldhig Millatari.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Warbixin+Sawirro: Mujaahidiinta Nusratul Islaam Oo Cagta Mariyay Saldhig Millatari.

November 12, 2025
Mujaahidiinta Jaziiratul Carab Oo Howlgal Istishhaadi Iyo Inqimasi Ku Qaaday Talis Milatari+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Mujaahidiinta Jaziiratul Carab Oo Howlgal Istishhaadi Iyo Inqimasi Ku Qaaday Talis Milatari+Sawirro.

October 24, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada