Ciidamada mujaahidiinta jamaacada Nusratul islaam wal-muslimiin ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay aagag muhiim ah oo ay ku sugnaayeen ciidanka dowladda Riddada Maali.
Mujaahidiintu waxay gacanta ku dhigeen albaabada laga galo deegaannada kala ah Waan oo ka tirsan gobolka Siiqoo iyo Mimbooqo oo dhacda gobolka Saykaasu.
Bayaan kooban oo ay faafisay mu’assasada Al-zallaqah ayaa lagu sheegay in mujaahidiintu howlgalka koowaad ee ka dhacay deegaanka Wan ay kusoo qaniimeysteen hub iyo rassaas kala duwan, waxaana ka mid ah hubka gacanta lagu dhigay saddex qori oo Ak47 ah.
Waxaa sidoo kale bayaanka lagu xaqiijiyay in ciidamada mujaahidiintu si nabad ah kula wareegeen Mimbooqo oo dhacda gobolka Saykaasu, kaddib markii ay cagaha wax ka dayeen maleeshiyadii Riddada ee halkaasi ku sugnaa.