Qarax xoogan waxa uu ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho kaasi oo lala beegsaday taliye ku xigeen milatariga dowlada federaalka.
Dhawaaqa qaraxa waxaa si aad ah looga maqlay qeybo badan oo ka mid ah xaafadaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Qaraxan waxa uu si gaar ah uga dhacay agagaarka isgoyska KM4 waxa uu qaraxa haleelay gaari cabdi bile ah uu la socday Murtad Janaraal Cabaas Amiin cali oo ah taliye ku xigeenka taliska milatariga ee kooxda Ridada.
Sarkaalka murtadka ee la beegsaday ayaa si dirqi ah uga badbaaday isku dayga dilka ee lala damacsanaa balse waxaa qaraxa ku baqtisay labo askari saddex kale weey ku dhaawacmeen kuwaa oo ka wada tirsanaa ilaalada gaarka ah ee janaraalka la beegsaday.
Sidoo kale waxaa uu burbur xoogan uu soo gaaray gaariga cabdi bilaha ah ee qaraxa uu haleelay, Waxa uu weerarkan kusoo aadayaa xilli Shabaabul Mujaahidiin sii kordhiyeen howlagalada Muqdisho.
Calamada.com