Dowladda Jarmalka ayaa soo saartay digniin kusocota muwaadiniinteeda ku sugan gudaha kenya iyo kuwa usafraya iyadoo sheegtay in ay xiligaani jiraan khataro waaweyn oo ay kamid yihiin weeraro ay fulinkaraan ciidamada mujaahidiinta.
Bayaan kasoo baxay wasaarada arimaha dibada xukumada Baarliin ayaa lagu sheegay in dadka jarmalka looga baahanahay in ay muujiyaan feejignaan, islamarkaana ka digtonaadaan khtarahaasi.
Goobaha ay xustay ayaa waxaa kamid ah in ay ka fogaadaan sida kuwa Hotellada baararka ay dadku isugu yimaadaan, suuqyada waaweyn iyo goobaha gaadiidka laga raaco, iyadoo sidookale si gaar ah uga digtay in ay udhawaadaan xuduud beenaadka.
Gobollada Baringo, Laikipia, Samburu, Turkana, iyo West Pokot, ayeey si gaar ah uga digtay wasaarada arimaha dibada Jarmalka in loo safro.
““Waxaa jira khatar sii kordheysa oo weerarro argagixiso ka dhaca Kenya. Kooxda Al-Shabaab ayaa ku hanjabtay inay weerarro ka gaysan doonto Kenya, si ay uga aarguddo ka qaybgalka ciidanka Kenya ee howlgalka AUSSOM” ayaa lagu yiri qoraa;lka kasoo baxay xukumada Baarliin.
Arintaan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo sanaddadii lasoo dhaafay sidan oo kale dowladaha saliibiyiinta reer galbedka ay soo saarayeen digniino isdaba joog ah oo ku socda muwaadiniintooda kuwaas oo ka cabsi qaba weeraro uga yimaada mujaahidiinta.
Tan iyo markii sanakii 2011 ay xukumada saliibiyada ah ee Nairobi ay kusoo biirtay duullanka ashahaado ladirinimo ee lagu soo qaaday Soomaaliya ayeey mujaahidiintu waxa ay qaadeen silsilado howlgaallo ah oo dadka Keenyaanka ah lagu dareensiinayo in aysan amni heli doonin ilaa ciidamadooda ay gumaysi ku joogaan qeyb kamid ah koonfurta Soomaaliya.