Maxkamadda ku dhaqanka shareecada islaamka ee wilaayada Jubbooyinka waxay galabta fagaare kuyaal magaalada Jilib ku fulisay xad ka mid ah xuduuda Allaah kaas oo lagu fuliyay koox jawaasiis ah oo u shaqaynayay sirdoonnada Maraykanka iyo Ingiriiska.
Jawaasiistan lagu laayay magaalada Jilib oo shan xubnood ahaa waxay 4 ka mid ah u shaqaynayeen sirdoonnada Maraykanka ee CIA-da iyo FBI-da halka midka kalena u basaasayay sirdoonka MI6 ee dowladda saliibiyadda ah ee Ingiriiska.
Fulinta xadkan waxaa soo xaadiray kumannaan dadwayne ah oo isaga kala yimi degmada jilib iyo tuulooyinka ku dhow dhow.
Hoos ka akhriso magacyada 5 xubnood ee jawaasiista ah iyo hayadaha ay u basaasayeen.
1_C/raxmaan Axmed Maxamed oo da’diisu tahay (35) jir lana shaqaynayay hayadda sirdoonka MI6 ee dowladda Ingiriiska.
2_Sacad Muuse Xaaji Daahir da’diisu tahay (45) jir u shaqaynayay hayadda FBI-da Maraykanka.
3_Cabdow Mad Abow oo da’diisu tahay (47) jir lana shaqaynayay mukhaabaraadka Maraykanka ee CIA_da.
4_Cabdulle Cumar Maxamuud oo da’diisu tahay (35) jir waxaana lagu helay in uu gacan saar lalahaa sirdoonka Maraykanka.
5_C/qaadir Caddaan Xassan oo da’diisu tahay (49) jir lagu helay in uu la shaqaynayay sirdoonka Maraykanka ee CIA_da.
Halkan ka dhagayso Codka Qaadiga Xukunka.
Jawaasiistan galabta lagu laayay fagaaraha degmada Jilib ee WI Jubbooyinka waxay kusoo beegmayaan xilli shalay sidan oo kale koox jawaasiis ah oo ka koobnaa 6 xubnood lagu toogtay degmada Saakow kuwaas oo lagu helay inay wada shaqayn dhow la lahaayeen sirdoonka Maraykanka.
Calamada.com