Toogasho ka dhacday xaafadda Warshadda Caanadaha ee degmada Hodon magaalada Muqdisho ayaa sababtay dhimashada sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada Melleteriga dowladda Federaalka.
Jeneraal Yuusuf Cali Qasaay oo ku magaca dheeraa Yuusuf Cageey ayaa lagu dilay degmada Hodon waxaana la sheegay in falkan dilka ah uu geystay sarkaal kale oo katirsanaa ciidamada dowladda.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in murun dhuleed oo u dhaxeeyay Jeneraal Cageey iyo Gaashaanlle katirsan ciidamada dowladda uu isku bedelay gacan ka hadal, Yuusuf Cali Qassaay ayaa wax kabadan 10 sanadood kamid ahaa saraakiisha ciidamada dowladda.
Waxaa lagu xusuustaa isbaarooyin ay maleeshiyaadkiisu dhigan jireen deegaanka Weynaha Madiina wuxuuna kamid ahaa saraakiishii Carra tuurka u ahaa ciidamada shisheeyaha AMISOM ee duullaanka ku jooga Soomaaliya.
Iska hor’imaadyada u dhaxeeya askarta iyo saraakiisha DF ayaa joogta ka ah degmooyinka gobolka Banaadir waxayna ciidamadan isku qabtaan lacagaha ay ka qaadaan gaadiidka dadweynaha marmarka qaarna waxay lakala saftaan qoysaska uu ka dhaxeeyo murunka dhuleed.