Wararka ka imaanaya dalka Kenya waxey sheegayaan in gudaha dalkaasi uu ka dhacay shil gaari oo sababay khasaara xoogan.
Shilkan waxa uu ka dhacay wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa, Iyadoo faahfaahin laga helayo khasaaraha ka dhashay shilkaasi.
Inta la xaqiijiyay shilkan waxaa ku dhaawacmay (32)Soddon iyo Labo ruux Kenyaati ah kuwaasi oo inta badan dhaawacyadooda culusyihiin, Waxaa shilkan ku dhintay hal ruux.
Shilka ayaa yimid kadib markii uu rogmaday gari Bas ah oo dad fara badan waday waxa uu gaarigan ka baxay magaalada Mombasa waxa uuna ku sii jeeday magaalada Caasimadda ah ee Nayroobi.
Dalka Kenya ayaa ka mid ah dalalka Caalamka ee ay ka dhacaan shilalka gaari kuwa ugu khasaaraha badan.