Dowladda saliibiyadda Kenya ayaa si kulul uga jawaabtay eedaymihii iyo cagajugleyntii uga timid Uganda ee aheyd in ay marin badeed ka raadsan doonaan badda Kenya.
Baadari Yuweri Museveni oo ah madaxweynaha Uganda ayaa khudbad uu jeediyay ku faah faahiyay damaca cusub ee dowladdiisu ka leedahay biyaha badweynta Hindiya ee barig afrika.
Musveni wuxuu caddeeyay in dowladdiisu toos ugu biirtay dalalka aan badda laheyn ee doonayo in ay marin biyood ka helaan badweynta Hindiya isagoo si mutuxan ucarrabaabay in badda Kenya ay tahay midda ugu haboon ee Yugaandheysku marin ka heli karaan.
Hoggaamiyaha kaligii taliyaha Uganada ayaa soo hadal qaaday taariikhda ay dowlado waaweyn ugaleen dagaallo lagu hoobtay iyagoo shacabkooda uxaqiijinaya riyada ah in ay helaan bad daboosha baahidooda wax dhoofin iyo wax soo dejin.
Madaxweynaha Yugaandha ayaa Kenya ku eedeeyay in ay marwalba iska indha tirto rabitaank dowladdiisa ee badda hindiya balse hadda lajoogo waqtigii Yugaandheysku ay banaanka soo dhigi lahaayeen rabitaankooda.
Dowladda Kenya ayaa si caro leh uga jawaabtay warka kasoo yeeray madaxweynaha Uganda waxayna ku sifaysay mid baalmarsan heshiisyadii labada dhinac horay udhax maray ee ku aadanaa ganacsiga iyo waxsoo dejinta.
Siinjo akoori oo ah wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa caddeymaha Museveni ku sifeeyay kuwa kicin kara colaad iyo dagaal ku saabsan gaaridda badda.
Kenya waxay sheegtay in heshiisyada kala dhaxeeya Uganda ay ku saabsanyihiin khad Tareen iyo waddooyin casri ah oo Uganda ku xiraya dekadaha waaweyn ee Kenya.
Hadalka kasoo yeeray Museveni ayaa ka dhigan in Uganda ay si toos ah ugu biirtay damaca gurrucan ee Itoobiya ugu jirto qabsashada qaar kamid ah dekadaha kuyaal geeska qaaradda Afrika.