Wararka ka imaanaya Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay weeraro lagu qaaday saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada shisheeye.
Weerar culus ayaa xalay saqdii dhexe lagu miray saldhig ay ciidamada Xabashida Itoobiya uga sugnaayeen deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.
Sidoo kale waxaa weerar culus lagu qaaday saldhig ay ciidamada Kenya uga suganyihiin deegaanka Kulbiyoow ee Jubbada Hoose.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaalyahannada Al Shabaab ay dhowr jiho ka weerareen saldhigyada ciidamada Kenya iyo Itoobiya balse lama oga khasaaraha ka dhashay weeraradaasi.
Ilaahay ha idin garab galo. Wadanka iyo dhamaan caalamul islaami gaaladu gacanta ayay u gashay balse weli rag baa nool oo dhiigooda huraya.