Afar nin oo Basaasiin u ahaa Mareykanka, Qaramada Midoobay, DF iyo Kenya ayaa shalay lagu dilay fagaare weyn oo ku yaalla degmada Saakow ee gobolka Jubbada dhexe.
Basaasiintan qaarkood ayaa geystay dhibaatooyin sida uu qaadigu sheegay halka kuwa kale lasoo qabtay iyaga oo aan fulin wixii loo igmaday waxaana ugu da’weynaa oday 57 sano jir ah.
Raggan afarta ah ayaa waxay magacyadoodu kala ahaayeen sida soo socota:
1 Maxaamd Aadan Xassan (Maxamad Kheyr) oo 51 jir ah laguna eedeeyay inuu la shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka iyo Qaramada Midoobay kuwaas oo uu kulasoo kulmay xerada Xalane.
2- Cusmaan Faarax Dhaqane oo 27 jir ahaa ayaa isna la shaqeynayay BS-ta ama Sirdoonka DF-ka ee ku daaban Mareykanka.
3- Cali Cabdiraxmaan Cabdi, oo 33 jir ahaa ayaa Basaas u ahaa sirdoonka DF “BS”
4- Cabdi Sahal Dhabbar (Cabdi Xarqi) waa ninkii ugu da’da weynaa Basaasiintii shalay ladilay wuxuu u shaqeynayay sirdoonka Kenya isagoo ka hawlgali jiray dhulka Muslimiinta ee ay Xukuumadda Nairobi xoogga ku heysato.
Qaaddiga Maxkamadda Islaamiga Jubbooyinka ayaa faagaraha kusoo bandhigay xogo faahfaahsan oo la xariirta hawlahii ay qabanayeen raggan iyo xukunkooda oo ahaa dil kadibna isla goobta ayaa lagu fuliyay.
Dhawwaan ayay ahayd markii 4 kale oo Basaasiin ah lagu dilay fagaare ku yaalla degaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo kuwaasoo u kala shaqeynayay Mareykanka, Itoobiya iyo Dowladda Ridada.
Calamada.com
Haaa sidaas ayaan la idinka rawaa hala dilo cidii basaas ah iyo cidii mujaahidiinta Ka soo horjeedo mahadsanidiin rodio Al Andalus