Kaddib labo sano oo laga joogo markii bishaan oo kale sannadkii 2023 laga soo qafaalay dhulka Yahuuddu ixtilaalka ku haysato, ayay kooxaha Muqaawamada Filistiin waxay maanta sii daayeen dhammaan maxaabiistii ay gacanta ku hayeen ee sahaayinada.
Ilaa 20 maxbuus ayaa si rasmi ah loo sii daayay kuwaas oo ah inta ka hartay maxaabiista cadowga, kuwaasoo qaar ku dhinteen dagaallada halka kuwa kalane horay loogu sii daayay heshisyo maxaabiis isdhaafsi.
Bayaan kasoo baxay kooxaha wax iska cabinta Filistiin ayaa lagu soo bandhigay liiska magacyada 20 shaqsi ee Yahuuda ay kasii daayeen xabsiyadooda.
Idaacadda ciidanka yahuuda ayaa dhankeeda sheegtay in aysan jirin hal maxbuus oo sahaayino ah oo ku haray magaalada Gaza maantana lagu soo wareejiyay .
Dhankeeda warbaahinta Yahuuda ayaa sheegtay in ra’iisul wasaaraha Yahuuda uu iclaamiyay in dagaalka uu dhamaaday islamarkaana maxaabiistooda loo sii daayay.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa maanta ka dagay magaalada Talaabiib ee gumeysiga Yahuudda ku jirta, isaga oo tagay xarunta baarlamaanka maamulka sahaayinada ee Knesset-ka.
Dhankooda xalay ilaa maanta ciidanka Yahuudda ayaa xabsiyada kasii daayay boqollaal maxaabiis Filistiiniyiin ah oo lagu soo baddashay kuwa cadowga, kuwaas oo qaarkood ku xukunaa xabsi daa’in, waxayna gaareen magaalooyinka Qudus, Gaza iyo sidoo kale Daanta-galbeed.