Hay’adda duulista kooxda ridada Somalia, ayaa digniin u dirtay shirkadaha diyaaradaha ee ka howlgala deegaannada maamulka Ridada ee Somaliland.
Kooxda Riddada ayaa dul-dhigtay amarro diyaardaha rakaabka qaada inaysan soo qaadi karin qof aanan sidan waxay ku sheegeen dal ku galka (E-VISA) ee ay dhawaan sameysay kooxda Riddada Soomaaliya.
War kasoo baxay kooxda Riddada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in qaar kamid ah diyaaradaha taga magaalada Hargeysa ay soo qaadan dad aanan wadan Viisahaan.
Kooxda Riddada ayaa ugu goodisay shirkadaha diyaaradaha inay ka joojin doonaan duulimaadyada ay ku tagaan Hargeysa haddii aysan u hoggaansamin amaradaan.
Arrintaan ayaa waxay kusoo aadaysaa xilli maamulka Riddada Somaliland isagana uu saacadihii lasoo dhaafay soo saaray amar ku socday shirkada diyaaradaha kaasoo ahaa in hawada deegaanadooda aysan isticmaali karin diyaarad aanan ogolaansho ka heysan maamulka Riddada Somaliland, taasoo caqabad ku ah kooxda Riddada ah ee Xassan Gurguurte.