Xiisadda gacan ka hadalka isku beddeshay ee u dhaxaysa kooxda Riddada ah ee uu hoggaamiyo murtad Gurguurte iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa kasii daraysa, waxayna kooxda Riddadu maanta qaadday tallaab kale oo ka dhan ah mucaaradka.
Wararka ka imaanaya magaalada caasimadda Muqdisho waxay sheegayaan in kooxda Xasan Gurguurte ay maanta maleeshiyo iyo gaadiid gaashaaman ku daabushay aag ay deggan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka ah.
Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya gaadiid nooca kuwa gaashaaman ah oo lagu jaray waddooyinka soo garoonka diyaaradaha oo ay degganyihiin siyaasiyiinta mucaaradka ah.
Tallaabooyinka kooxda Gurguurte ayay dadka wax falanqeeya ku tilmaameen iclaamin dagaal oo ka dhan ah mucaaradka, murtad Fartaag oo murtadiinta ugu magacaaban wasiirka amniga ayaa si cad ciidankiisa u faray inay hubka u qaataan mucaaradka sida uu caawa shir jaraa’id ku sheegay.
Ciidanka Booliiska Riddada ayaa caawa lagu arkayay waddooyinka Muqdisho iyaga oo ku hubeysan gaadiid nooca dagaalka iyo kuwa ciidanka lagu daabulo una muuqda kuwa fulinaya amarka uga yimid wasaaradda amniga.
Waxay arrimahan oo idil dhacayaan xilli Sabtida nagu soo socota lagu wado in mucaaradku Muqdisho ka billaabaan dibadbaxyo ka dhan ah dhul-boobka uu wado murtad Xassan Gurguurte iyo kooxdiisa.