Wasiir dowlaha Gaashaandhigga kooxda Riddada Soomaaliya murtad Cumar Cali Cabdi ayaa ugu hanjabay mucaardka hubka ku heysta Muqdisho inaysan qaadan karin hub.
Wuxuu intaasi raaciyey in kooxda Riddada ay tallaabo ka qaadi doonto cidii isku dayda inay hub ku qaataan Muqdisho.
Hadalka murtadkaan ayaa imaanya xilli mid kamid ah Xildhibaanada Mucaaradka ee hubka ku heysta Muqdisho uu ugu baaqay maleeshiyaadkiisa inay hubka lasoo baxaan oo ay dagaal kala horyimaadaan Xasan Gurguurte.
Hadalka Xildhibaankaan ayaa dhiliyey hadalheyn ballaaran taasoo keentay inay kooxda Riddada durba kasoo jawaabto.
Kooxda Riddada Soomaaliya ayaa dhowr jeer waxay hanjabaado u dirtay mucaaradka hubeysan ee ku sugan Muqdisho ee kasoo horjeeda nidaamka Gurguurte.