Kooxda Riddada Soomaaliya ayaa ka qayb gashay shir ka dhacay magaalada Awaza ee dalka Turkmenistan, kaasi oo uu soo qabanqaabiyay urur gaaleedka qaramada midoobay.
Shirkan ayaa waxaa isugu yimid wufuud ka kala socday dalalka adduunka ee aan badda lahayn, waxaana kooxda Riddadu u dirsatay nin lagu magacaabo Isaaq Maxamuud Mursal oo ah wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Riddada iyo xubno kale.
Waddamada caalamka ee aan badda lahayn ayaa ka doodayay sidii ay u heli lahaayeen marin badeed, dadka Soomaaliyeed ayaa arrintaasi si wayn uga war-celiyay, waxayna ku tilmaameen mid khatar ah oo muujinaysa sida ay kooxda Riddadu u dafirayso khayraadka biyaha ee uu Allaah ku manneystay.
Waxay dadka qaar tani ku fasireen mid muujinaysa in kooxda Riddada ay bad la doonayso xabashida Itoobiya oo horay u shaacisay inay ku wareejisay qayb ka mid ah biyaha Soomaaliya.