
Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha maleeshiyaadka murtadiinta kasoo gaaray weeraro isugu jiray kamaa’inno iyo qaraxyo kuwaas oo ka dhacay wadada laamiga ah ee xiriirisa degmooyinka Buurhakaba iyo Baydhabo.
Kooxda Riddda Soomaaliya ayaa markii ugu horraysay faah faahin ka bixisay khasaaraha maleeshiyaadkeeda kasoo gaaray weeraradii ka dhacay duleedyada Buur iyo Baydhabo.
Ilyaas Cali Xasan oo katirsan saraakiisha kooxda Riddada ee hoggaaminaysay maleeshiyaadkii qabsaday Baydhabo, ayaa sheegay in askar iyo saraakiil farabadan ay ku waayeen weeraradii mujaahidiinta ee todobaadkan dhacay.
Qoraal sawirro wata oo uu ku faafiyay baraha bulshada ayuu ku qiray in degmada Buurhakaba kaliya duleedkeeda ay ku dhinteen illaa 7 askari oo mid kamida uu ahaa sarkaal darajadiisa ciidan aheyd Gaashaanlle kaasi oo lagu magacaabi jiray Fatiir.
Sidoo kale murtadiinta ayaa faafiyay sawirrada askar kale oo lagu dilay weeraradii mujaahidiintu ay ka fuliyeen duleedka Baydhaba.
Dhinaca kale wararka laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in maleeshiyaadka kooxda Riddada Soomaaliya ee magaalada qabsaday ay fuliyeen dilal wadareedyo ka dhan ah saraakiil iyo maleeshiyaad katirsanaa maaamulkii Laftagareen.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in guryo kuyaal xaafadaha Baydhabo lagala baxay illaa iyo 5 sarkaal oo katirsanaa ciidamadii maamulkii Cabdicasiis Laftagareen, meydadka saraakiishan ayaa lasoo dhigay mid kamida xaafadaha Baydhabo.
Wasiirkii amniga maamulkii Laftagareen iyo boqolaal maleeshiyaad ah oo wata gaadiidka dagaalka, ayaa ku sugan deegaanka Awdiinlle ee duleedka Baydhabo iyagoo ka baqaya in ay weeraro aargoosi ah kala kulmaan maleeshiyaadka daacadda u ah Xasan Gurguurte ee magaalada qabsaday.