Sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan kooxda ridada Soomaaliya ayaa sheegaya in kooxda ridada ee Gurguurte ay qorsheeynayso inay maleeshiyaat ka tirsan ridada ay geyso deegaano ka tirsan gobalada Sool, iyo Togdheer.
Maleeshiyaatkaani oo si rasmi ah aanan loo ogeyn tiradooda ayaa la tilmaamay inay kooxda ridada Soomaaliya doonayso inay saldhig ay ka dhigtaan magaalada Laascaanood ee gobalka Sool.
Arrintaan ayaa abuurtay xiisad cusub oo u dhaxeeysa kooxda ridada Soomaaliya iyo maamulada ridada ee Somaliland iyo Puntland kuwaasi oo diidan in kooxda ridada ay ciidamo geyso gobalka Sool.
Sidoo kale wararka ayaa tilmaamaya in maalmaha soo socda magaalada Laascaanood uu tagi doono Xasan Gurguurte madaxa kooxda ridada Soomaaliya.
Arrimahaan waxay kusoo aadayaan xilli dhawaan Yahuuda ay dowlad madax banaan u aqoonsadeen maamulka ridada ee Somaliland oo sanado ka hor ka talin jiray deegaano ka tirsan Sool oo ay kamid tahay magaalada Laascaanood.