
Sida laga soo xigtay shirkadaha diyaaradaha Rakaabka ee ka howlgala magaalada Muqdisho iyo magaalada Baydhabo, kooxda ridada ee Xasan Gurguurte ayaa shalay garoonka Muqdisho ka celisay diyaaradihii u duuli jiray magaalada Baydhabo.
Tallaabadaan ay qaaday kooxda ridada ayaa timid kadib markii khilaaf xooggan uu soo kala dhexgalay Lafta-gareen oo ah madaxa maamulka ridada ee Koonfur galbeed iyo Xasan Gurguurte
in ka badan ilaa 100 ruux oo shacab ah oo doonayey inay gaaraan magaalada Baydhabo ayaa shalay ku xayirmay garoonka Muqdisho kadib markii kooxda ridada ay ku amartay shirkadaha diyaaradaha Rakaabka aysan tagin Baydhabo.
Kooxda ridada ayaa xayiraadaan kaag danlahayn inay hakiso xubno siyaasiyiin iyo xildhibaano ah oo taageersan Laftagareen oo doonayey inay tagaan magaalada Baydhabo si ay halkaasi abaabul uga sameeyaan.
Maamulka ridada ee Koonfur galbeed ayaa ku dhawaaqay inay xiriirkii u jareen Kooxda ridada Soomaaliya kadib markii kooxda Xasan Gurguurte lagu eedeeyey inay faragalin ku sameeyeen maamulka Laftagareen.
Maamulka ridada ee Koonfur galbeed ayaa hadda u muuqda inuu ka baxay isbaheysigii Gurguurte isagoona u xuubsiibtay dhinaca mucaaradka hadana doonaya inuu ku biiro safka mucaaradka oo ay ku jiraan Puntland, iyo Jubaland.