Xilli uu meeshii ugu sarreeyay marayo khilaafka u dhaxeeya kooxda Riddada Soomaaliya iyo maamulka Riddada Koonfur-galbeed, ayay golaha wasiirrada kooxda Riddada maanta xilka qaadis ku sameeyeen taliyihii maleeshiyaadka loogu yeero Asluubta Riddada murtad Mahad Cabdiraxmaan oo loo garan ogyahay (Taliye Shub).
Xafiiska ra’iisul wasaaraha kooxda Riddada, ayaa shaaciyay in Booska laga eryay Taliye Shub loo magacaabay murtad lagu magacaabo Maxamed Sheikh Xasan, oo horay Riddada uga soo qabtay xilal kala duwan.
Taliyaha xil ka xayuubinta lagu sameeyay, ayaa ka mid ah saraakiisha aadka ugu dhow madaxa maamul goboleedka ashahaada la dirirka Koonfur-galbeed murtad Cabdicasiis Laftagareen, waana sababta xilka looga qaaday.
Kooxda Riddada ee uu hoggaamiyo murtad Xasan Gurguurte, ayaa maalmihii u dambeeyay xilka ka qaadaysay saraakiisha iyo masuuliyiinta murtadiinta ee ku aragtida ah Laftagareen kuna sugan deegaannada uu maamulkaasi ka arrimiyo.