Bayaan kasoo baxay xaafiiska R/Wasaaraha kooxda ridada Soomaaliya ayaa lagu iclaamiyey shir wadahadal ah oo horay u dalbadeen mucaaradka ridada kadib shir ay dhawaan ku yeesheen magaalada Kismaayo.
Kooxda ridada Soomaaliya ayaa sheegtay inay aqbashay dalabkii uga yimid mucaaradka iyadoona sheegtay inay dhigtay gogol wadahadal taasoo ka dhici doonta magaalada Muqdisho 1 bisha soo socota ee February.
Kooxda ridada ma cadeynin ajandaha looga hadlayo shirkaasi, waxayna sheegtay in guddi Wasiirro ah ay u xilsaartay inay ka shaqeeyaan qodobada looga hadlayo shirkaasi.
Mucaaradka oo aanan war kasoo saarin shirka ay ku dhawaaqday kooxda ridada ayaa laga sugayaa saacadaha soo socda inay ka hadlaan arrintaani.
Shir dhawaan ka dhacay Kismaayo kasoo ay yeesheen xubnaha mucaaradka oo ay qeyb ka yihiin maamulada ridada ee Jubaland, iyo Puntland ayaa kooxda ridada loogu qabtay in 20 bishaan ay iclaamiyaan shir looga hadlayo arrimaha doorashooyinka, iyadoo mucaaradka ay ku goodiyeen haddii kooxda Gurguurte ay shirkaasi iclaamin waayaan ay iyaga tallaabo qaadayaan.
Shirkaan ay iclaamisay kooxda ridada kaasoo ka dhacaya Muqdisho ayaanan la ogeyn sida ay uga soo qeybgali karaan Axmed Madoobe iyo Deni, iyadoo kooxda ridada ay horay Axmed Madoobe waaran maxkamadeed ugu jartay.