Koox hubaysan ayaa saacadihii lasoo dhaafay dalka Koonfur Afrika ku dilay labo ruux oo ka mid ahaa dhalinyarada Soomaliyeed ee ka shaqaysata waddankaasi.
Xooshoow Salaad iyo Cumar Cali ayaa lagu kala magacaabi jiray dhalinyaradaasi oo dilkoodu ka dhacay deggaanka Philippi oo ka tirsan magaalada Cape Town.
Burcad hubaysan oo u dhalatay waddanka Koonfur Afrika ayay xogtu tibaaxaysaa in dilkaasi ay geysteen, kuwaas oo baxsaday markii ay fuliyeen falkaasi.
Waxa sidoo kale lasoo wariyay in qof kale oo Soomaali ah uu dhaawac culus kasoo gaaray weerarkan lagu dilay dhalinyarada Soomaaliyeed.
Dhacdada layaabka noqotay ayaa ah in kooxaha fuliya weerarrada lagu beegsado Soomaalida, aysan wax dhac ah ka geysan dukaamada ay ku dhex dilaan Soomaalida, taasoo aan horay loogu baran burcada Koonfur Afrikaanka ah.
Ciidanka Booliska oo gaaray goobta uu dilku ka dhacay ayaa sameeyay baaritaanno, hasayeeshee lama soo warin wax natiijo ah oo kasoo baxay baaritaankooda, sida looga bartay dawladda Koonfur Afrika.
Dilkan ayaa qayb ka noqonaya ugaarsi xooggan oo lagu hayo dadka Soomaaliyeed ee ku sugan Koonfur Afrika, iyadoo bishan lagu jiro ee jannaayo oo kaliya Soomaalida la khaarajiyey ay gaarayaan 8 ruux.