Khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay shil baabuur oo ka dhacay suuq dadweyne oo kuyaal degmada Borabu oo ka tirsan ismaamulka Nyamira ee dalka Kenya.
Inta la hubiyay ugu yaraan 7 xubnood ayaa ku nafwaayay shilka oo ahaa mid baabuur, kaasi oo si gaara looga soo calaamadiyay suuqa Kijauri ee ka tirsan degmada Borabu ee ismaamulka Nyamira.
Warbaahinta maxalliga ah waxay sheegtay in shilku yimid kaddib markii ay isku dhaceen gaari nooca xamuulka ah oo siday caleenta shaaha iyo sidoo kale gaari nooca matatuuda loo yaqaan ee dadweynaha.
Wqxay wararku intaas ku darayaan in darawalkii kaxneynayay baabuurka xamuulka uu koontaroolka lumiyay, waxayna taasi keentay in uu ku dhaco gaariga mataatuuda, intaas ka dibna waxa uu jiiray dad ku ganacsanayay gudaha suuqa lagu magacaabo Kijauri.
Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in lix qof isla goobta ku dhinteen, halka qofka 7-aadna uu geeriyooday xilli lagu dabiibayay cisbitaal lagu magacaabo Summit, waxaa sidoo kale jira dad ku dhaawacmay shilka, kuwaas oo la dhigay dhowr cisbitaal oo kuyaal degmada Boorabu, waxaana la wariyay suuragalnimada in numberka dhimasho uu is beddelo oo ay kororto maadaama dhaawacyo halis ah jiraan.