Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Ku Dhawaad 100 Qof Oo Ku Dhintay Dhulgariir Ku Dhuftay Shiinaha.
  • Allposts
  • Warar

Ku Dhawaad 100 Qof Oo Ku Dhintay Dhulgariir Ku Dhuftay Shiinaha.

January 7, 2025

Khasaare laxaad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, ayaa ka dhashay dhul-gariir xooggan oo Talaadadii maanta ku dhuftay deegaanno dhaca koonfur-galbeed dalka Shiinaha.

Inta la hubiyay ugu yaraan 95 qof ayaa ku dhintay dhulgariirkan xooggan oo si gaar ah looga soo calaamadiyay gobolka Tibet ee dhaca buuraha Himalaya ee koonfur-galbeed waddanka Shiinaha.

Ilo wareedyo dhanka deegaanka ah ayaa soo sheegay in dhulgariirka si wayn looga dareemay dalka Shiinaha deriska la ah ee Nepal, waxaa dhulgariirkaan ku dumay dhismayaal dhowr ah.

Wakaalladda Wararka u faafisa Shiinaha oo xiganaysa mas’uuliyiin maxali ah, ayaa xaqiijisay in in ka badan 130 xubnood ay ku dhaawacmeen dhacdadan, waxay sidoo kale sheegtay in khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawaca ah uu mar walba kordhi karo, maadaama dhismeyaal badan burbureen.

Warbixin ay soo saartay xarunta shabakadaha dhulgariirka ee Shiinaha ayaa lagu sheegay in dhulgariir lagu qiyaasay 6.8 Richter, uu ku dhuftey Shigatse oo ah magaalada labaad ee ugu weyn gobolka Tibet iyo nawaaxigeeda, halka hay’adda sahaminta dhulka ee Maraykankana ay sheegtay in dhulgariir lagu qiyaasay 7.1 uu ka dhacay gobolka Tibet ee waddanka Shiinaha.

Dhinaca kale, warbaahinta Hindiya ayaa soo sheegtay in dhul-gariirkan ay dareemeen dadka ku dhaqan caasimadda Nepal ee Katmandu, waxay intaas ku dareen wararku in dadkii ku noolaa caasimada ay ka carareen guryahoodii kaddib markii inbadan oo iyaga ka mid ah ay la kulmeen gariir xooggan.

Aagagga koonfur-galbeed ee dalka Shiinaha ayaa ah halka inta badan ka dhacaan dhulgariirada, sannaddu markii ay ahayd 2008-dii, dhulgariir xooggan oo ka dhacay gobolka Sichuan ayaa waxaa ku dhintay ilaa 70,000 oo qof.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -08-07-1446-Hijri.
Next: Daawo Muuqaalka Zako Qaybintii Laga Sameeyay Hareeri Tuur.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -13-11-1446 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -13-11-1446 Hijri.

May 11, 2025
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Weeraro Khasaare Dhaliyay Ka Fuliyay Sh/hoose.
  • Allposts
  • Warar

Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Weeraro Khasaare Dhaliyay Ka Fuliyay Sh/hoose.

May 11, 2025
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -13-11-1446-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -13-11-1446-Hijri.

May 11, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 7aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 7aad)

May 11, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 6aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 6aad)

May 10, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 5aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 5aad)

May 8, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 4aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 4aad)

May 6, 2025

Sawirro

Weerar Askar Badan Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Burkiina Faaso.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Weerar Askar Badan Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Burkiina Faaso.

April 29, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Saldhiggii Iyo Garoonka Wargaadhi.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Saldhiggii Iyo Garoonka Wargaadhi.

April 24, 2025
Daawo Sawirrada: Mujaahidiinta oo Ku sugan Deegaanka Yaasooman.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada: Mujaahidiinta oo Ku sugan Deegaanka Yaasooman.

April 17, 2025
Daawo Qaybta Labaad Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Aadan-yabaal.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Qaybta Labaad Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Aadan-yabaal.

April 16, 2025
Daawo Muuqaalka Weerarkii Lagula Wareegay Degmada Masaajid Cali-gaduud.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Muuqaalka Weerarkii Lagula Wareegay Degmada Masaajid Cali-gaduud.

April 16, 2025
Daawo Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Aadan-yabaal Iyo Mubaax Oo Gacanta Lagu Dhigay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Aadan-yabaal Iyo Mubaax Oo Gacanta Lagu Dhigay.

April 16, 2025
Mujaahidiinta Oo Maalintii 4-aad Gacan Ku Haya Aboorrey Iyo Askar Maanta Lagu Dilay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Mujaahidiinta Oo Maalintii 4-aad Gacan Ku Haya Aboorrey Iyo Askar Maanta Lagu Dilay.

April 10, 2025
Ku Dhawaad 20 Askari Oo Lagu Dilay Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Afgooye+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Ku Dhawaad 20 Askari Oo Lagu Dilay Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Afgooye+Sawirro.

April 1, 2025
Weerar 8 Askari Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Duleedka Dhuusamareeb+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Weerar 8 Askari Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Duleedka Dhuusamareeb+Sawirro.

March 31, 2025
Daawo+Dhagayso: Hidaha Iyo Dhaqanka Soomaalida Degmada Jilib Jubbada Dhexe.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo+Dhagayso: Hidaha Iyo Dhaqanka Soomaalida Degmada Jilib Jubbada Dhexe.

March 30, 2025
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Hiiraan, Baay Iyo Bakool.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Hiiraan, Baay Iyo Bakool.

March 30, 2025
Daawo Sida Looga Debaal-degay Munaasabadda Ciidda Jubbada Hoose Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Debaal-degay Munaasabadda Ciidda Jubbada Hoose Iyo Gedo.

March 30, 2025
Daawo Degmada Awdheegle Iyo Magaalada Kuunya-barrow Oo Si Cajiib Ah Looga Ciiday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Degmada Awdheegle Iyo Magaalada Kuunya-barrow Oo Si Cajiib Ah Looga Ciiday.

March 30, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada