Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weeraro kala duwan oo ka kala dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacyo.
Dhanka Muqdisho qaraxyo ka kala dhacay xaafadaha Carafaat iyo Xoosh waxaa lala beegsaday maleeshiyaatka dowladda Ridada federaalka.
Labadan Qaraxa waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday ugu yaraan Kow iyo Toban askari oo ah maleeshiyaatka kooxda Ridada.
Dhanka magaalada Gaalkacyo ee Wilaayada Mudug gaar ahaan dhanka Waqooyi ee magaaladaas waxey ciidamada Mujaahidiinta ku dileen askari ka tirsanaa ilaalada gaarka ah mid ka mid ah xildhibaanada maamulka Ashahaado la dirirka isku magacaabay Puntland.
Qaraxyadan ka kala dhacay Muqdisho iyo Gaalkacyo ayaa kusoo aadaya xilli ciidamada Shabaabul Mujaahidiin saaka aroortii dagaal kula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Far-libaax oo hoostaga magaalada Beledweyne, Waxeyna saraakiisha Mujaahidiinta Muxaadaraad u jeediyeen bulshada ku dhaqan deegaankaas.
Calamada.com