Inta la hubiyay ugu yaraan 18 qof ayaa dhintay, halka tiro intaas ka badanna lasoo badbaadiyay markii dooni ay la socdeen dad tahriibeyaal ah ay ku degtay xeebta mandiqadda Mugal ee galbeedka Turkiga.
Ilaalada xeebaha Turkiga, ayaa sheegay in doonida lagu arkay meel u dhow mandiqadda Badrum oo ka tirsan gobolka Mugla, markii digniinno la siiyay si ay joogto ayay sheegeen inay isku dayday inay baxsato.
Degetaanka doonida waxaa loo sababeeyay isku dayga baxsashada iyo sidoo kale cimilada iyo xaaladda badda oo ahayd mid aan wanaagsanayn, sidaasna ku degtay.
Wararku waxay intaas ku darayaan iin diyaarad nooca qumaatiga u kacda iyo saddex dooni loo diray goobta si ay gurmad iyo badbaadin u sameeyaan, ilaa 21 qof ayaaa la xaqiijiyay in lasoo badbaadiyay.
Warka kasoo baxay ilaalada xeebaha laguma sheegin halka ay kasoo baxday iyo halka ay kusii jeeda doonida degatay midna.
Badda Aegean oo ah halka dhacdadu ka dhacay waa marin muhiim ah oo ay adeegsadaan kumannaan tahriibeyaal ah si ay uga gudbaan Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe una gaaraan qaaradda Yurub.