Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Ku Dhawaad 80 Qof Oo Ku Dhintay Shil Ka Dhacay Itoobiya.
  • Allposts
  • Warar

Ku Dhawaad 80 Qof Oo Ku Dhintay Shil Ka Dhacay Itoobiya.

December 30, 2024

Ugu yaraan 71 qof ayaa ku dhintay kadib shil gaari oo ka dhacay degmada Boona oo ku taalla Bariga mandiqadda Sidaama ee koonfurta magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta xabashida ee Gobolka shilku ka dhacay iyo Dhaqaatiirta deegaanka oo la hadlay warbaahinta caalamka musiibada ayaa argagax ku ridday dadka deegaanka.

Maate Mengesha oo ah maamulaha deegaanka shilkku ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in shilku ka dhacay buunddo dulmarta webiga Galana oo 125 kiiloomitir u jira magaalada Hawaas oo ah caasimadda mandiqadda Sidaama, Ninkan ayaa sheegay in dadka dhintay ay ahaayeen 71 rag ah iyo 3 dumar ah.

Agaasimaha Isbitaalka Boona oo magaciisa lagu sheegay Ashenafi Baliso, ayaa sidoo kale xaqiijiyey tirada dhimashada, isagoo waraysi siinayay warbaahinta maxalliga ah.

Sida dad goob joogayaal ah u sheegeen warbaahinta, shilkan ayaa dhacay kadib markii gaari xamuul ah oo ay dadbadan saarnaayeen uu xakameyn waayey darawalkii waday isagoo dul marayey buunddo dusheed arrinkaas oo marki dambe sababay inuu ku dhaco webiga Galana.

Gudoomiyaha degaanka shilku ka dhacay ayaa sheegay in dadka dhintay ay ka mid ahaayeen beeralleey ka yimid beeraha lagu abuuro kafeeyga iyo dhalinyaro deegaanka ah oo ka soo laabanayey aroos.

Abiy Axmed oo ah R/wasaaraha wadankaas ayaa bayaan uu soo saaray uga tacziyeeyay musiibadii dhacday, isagoo saraakiisha masuuliyiinta ugu baaqay in ay baaritaanno ku sameeyaan wixii dhacay.

Shilalka nuucaan ah ayaa sannaddadii dambe kusoo badanayay waddanka itoobiya, waxaana loo sababeynayaa hanaanka dhismooyinka waddooyinka oo aan wanaagsaneyn iyadoona xukuumaddu ay ka gaabisay ka shaqeynta bad qabka waddooyinka muhiimka u ah isku socodka gaadiidka dadweynaha.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -29-06-1446-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -29-06-1446 Hijri.

Related Stories

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
WAR SAXAAFADEED: “Mujaahidiinta oo dagaal kula wareegay Jasiiradda Kudhaa”.
  • Allposts
  • Warar

WAR SAXAAFADEED: “Mujaahidiinta oo dagaal kula wareegay Jasiiradda Kudhaa”.

January 21, 2026
Firxadka Maleeshiyada Axmed Madoobe Oo Lagu Baacsanayo Buurgaabo.
  • Allposts
  • Warar

Firxadka Maleeshiyada Axmed Madoobe Oo Lagu Baacsanayo Buurgaabo.

January 21, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026

Sawirro

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026
Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.

January 14, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.

January 13, 2026
Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 12, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 10, 2026
Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.

January 9, 2026
Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.

January 5, 2026
Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.

December 31, 2025
Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.

December 20, 2025
Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.

November 30, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada